Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhaw Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane.
Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay.
Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen.
1:Xildhibaan Ismaaciil 93 Cod
2: Xildhibaan Aadan Xaaji 37 cod
3: Xildhibaan Salaad Caynte 5 Cod
Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed ayaa ku guuleystay Doorashada, maadaama uu tanaasulay Xildhibaan Aadan Xaaji oo heystay Wareegga 1-aad 37-Cod.
Isla Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Doorashadaan ayaa kusoo beegmeysa Xilli dhowaan uu dib udhac ku yimid waqti doorasheedkii ay qabteen Guddigaan, sababo ay ku sheegeen Arrimo Farsamo.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Todobaadkii tagay war ay soo saareen ku sheegeen in aan aqoonsaneen Mooshinada, Xil ka qaadista iyo Doorashooyinka ka jira Deegaanada Dowlad Goboleedyada.
Arrintaan ayaan la ogeyn Wajiga cusub ay u sameyn karto Khilaafka Ka dhex taagan madaxda Galmudug oo Xil ka qaadis isku sameeyay, iyaga oo kala degay Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…