Dhowrista xiriirka dibadda, danaha & Saaxiibka

Arrimaha dibadda, xiriirka caalamiga ah iyo Iskaashigu waxa ay kamid yihiin sababaha horseeda in qaramadu yeeshaan saaxiib, kamid noqdaan isbaheysi ama sameeyaan dan-isweydaarsi ku dhisan tixgelin iyo wada-guuleysi.

 

Siyaasadda arrimaha dibadda (Xiriirka dibadda, hab maamulka siyaasadda dibadda) waxa ay ka kooban tahay isku-dhafka dhowr arrimood oo ku wajahan danta gaarka ah ee dowladdu dooneyso illaalinteeda si ay u xaqiijiso danaha waddaniga ah (National interests) iyo meelmarinta ujeeddooyinka qaranku ka leeyahay xiriirkiisa dibadda.

 

Xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah isna waa hab ay isula wada shaqeeyaan laba dowladood iyo ka badan, gaar ahaan xiriirka siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliyeed waxa ay kamid tahay wasaaradihii ugu horreeyey ee la howlgeliyey kaddib xorriyadda Jamhuuriyadda sanadkii 1960, waxa ay wasaaraddu ergo iyo howlgal ku yeelatay dibadda.

 

Xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa uu soo maray heerar kala duwan iyada oo dhaawac weyni gaaray kaddib dagaalkii 1977-kii kaas oo dhexmaray labadii xukun keligi talis ahaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Itoobiya, xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliyeed waxa uu sii xumaaday kaddib markii u dhacay xukunkii Kacaanku, Soomaaliyana gashay dagaalkii sokeeye.

 

Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho ku tegey maagalada Asmara caasimadda Erateriya, booqashadaas waxa ay dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamigu uga hadleen habab kala duwan, qaarkood ayay ula muuqatay in Soomaaliya lumineyso saaxiibo muhiim ah oo heer gobol iyo kuwo qaaradeedba isugu jira.

Labada madaxweyne waxa ay wada gaareen 30-July-2018, heshiis ka kooban 4 qodob, kaas oo u muuqday mid taxadar badan ku jiro,

Bidix: MW: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Midig: MW Isaias Afwerki, saxiixa heshiiska, 30-July
  1. .Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
  2. Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dadaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.
  3. Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.
  4. Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Haddaba waa maxay waxtarka xiriirka Errateriya ee Soomaaliya?

Ereteriya iyada oo daba joogta colaadda kala dhexeysay muddada dheer dowladda Itoobiya oo ay ka go’day kudhowaad 30 sano kahor waxa ay taageero hub iyo farsamo isugu jira u fidisay jabhado ka dagaalamayey Soomaaliya intii u dhexeysay 2006-2011, sidaas waxa lagu sheegay warbixin kala duwan oo ay soosaartay kooxda dabagalka hubka ee Soomaaliya iyo Errateriya, balse ay mar walba Asmara diidanayd jiritaanka eedeymahaas.

Dhowr dublamaasi oo ka tirsan arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan su’aalo ka weydiiyey waxa ugu weyn ee Soomaaliya kala soo laabatay booqashadii Erateriya waxa ay ii sheegeen

  1. In Erateriya dhibaatada ay ku haysay Jabuuti mid ku laba jibbaaranta ay ku haysay Soomaaliya, sidaas awgeed booqashada madaxwene Farmaajo iyo wafdigii tegey Asmara waxa ay soo afjartay mashaakilka ay Soomaaliya kala kulmeysay maamulka Asmara, taas oo u badnayd dhanka nabadgelyada.
  2. Cunaqabateynta uu ka hadlay madaxweyne Farmaajo waxa ay ii sheegeen in ay tahay tan dhaqaalaha, balse meeshaba kuma jirin in tan hubka iyo ka hadalkeeduba.
  3. Dhinaca saaxiibtinimada iyo illaalinta gaashaanbuurta gobolka waxa ay ii sheegeen in Soomaaliya joogto heer ay kala dooran karto saaxiibka iyo colka.
  4. In aanay suuragal ahayn in wixii laga diiday Sucuudiga iyo Imaaraadka aanay suuragal ahayn in waddan kale loogu daneeyo, sida haddii waddamada ay wax ka dhexeeyaan in aanay Soomaaliya midkood la safan iyada oo aan ogeyn waxtarka ay taasi u leedahay.
  5. Dhinaca abaalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dhiig waddaagga kala dhexeeya Soomaaliya waxa ay ii sheegeen in arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay ka go’an tahay daryeelidda xiriirka Jabuuti & Soomaaliya iyada oo la fiirinayo sooyaalka dheer ee u dhexeeya labada dowladood.

WQ: Axmed Guutaale

General Editor

Recent Posts

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

15 mins ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

2 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

18 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

21 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

22 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

23 hours ago