Kooxaha reer yurub ayaa ku jira isku diyaarintoodii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka cusub ka hor inta ayna bilaaban horyaaladooda kala duwan.
Kulanka PSG Vs Monaco ayaa ah kulan Rasmi ah waana Super cup-ka France iyada oo labada kooxood doonayaan in ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub.
Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa la ciyaar doonta kooxda reer Italy ee Lazio kulankoodii saaxiibtinimo ee ugu dambaysay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Napoli kulan saaxiibtinimo kulan ka dhici doona Dublin laakiin kulankan ayaan noqon doonin midkii ugu dambeeyay Reds.
Liverpool ayaa kulankan kadib la ciyaari doonta kooxda Torin ka hor inta ayan todobaadka dambe bilaaban horyaalka Premier League.
Dhanka kale Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan tartanka International Champions Cup kulan ay Los Blancos ka hor iman doonto kooxda cusub ee xiddigoodii hore ee Cristiano Ronaldo.
Barcelona ayaa dhankeeda La Ciyaari doonta kooxda Ac Milan kulan xiiso leh oo ay labada kooxood isaga hor iman doonaan International Champions Cup
Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa la ciyaari doonta kooxda reer France ee Horyaalka France ee Lyon kulan Inter Milan mar kale tijaabin doonto awoodeeda.
Waa kuwan kulamada cwa la ciyaaridoono iyo waqtiga la ciyaari doono.
PSG VS Monaco: 3:00 Galabnimo
Liverpool Vs Napoli: 8:00 Habeenimo
Arsenal Vs Lazio: 9:00 Habeenimo
Inter Milan Vs Lazio: 9:05 Habeenimo
Real Madrid Vs Juventus 1:00 Habeenimo
Barcelona Vs Ac Milan: 3:05 Habeenimo.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…