Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in labo dhallinyaro oo Soomaali ah ay ku dhinteen magaalada Nairobi iyaga oo waddooyinka Magaaladaas isaga duubayey muuqaallo si ay usoo geliyaan barta TikTok.
Danjire Jibriil ayaa intaas ku daray in Dhallinyaradaan ay si sharci darro ah u marayeen laamiga iyaga oo muuqaallo isaga duubayana ay ku dhaceen Gaadiidka waddooyinkaas isticmaala sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo ilo kala duwan.
Dacwooyin badan ayuu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Kenya in looga soo gudbiyo Dhallinyaradaan Soomaalida ah ee naftooda halista gelisa, waxaana Danjire Jibriil uu intaas ku daray in tani ay dhibaato ku tahay Bulshada Soomaaliyeed.
“Dhallinyarada TikTok-ga isaga duuba magaalada Nairobi gaar ahan kuwa waddooyinka Sawirada iskaga qaada waxaa ku dhintay arrintaas 2 qof, Khatartaas waa mid dhaawici karta Sumcadda Soomaalida” ayuu yiri, Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay ficillada halista badan ee dhallinyarada ku dhaqaaqeen, waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doonno si looga hortago halistaas sida uu hadalka u dhigay.
Dhallinyarada muuqaallada isaga soo duubta Waddooyinka ayaa qaarkood si taxadar la’aan ah jidadka ugu gala Gawaarida, waxaa ka dhasha Shilal iyo dhibaatooyin kale oo soo gaara Dhallinyaradaas sida marar kala duwan dhacday.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…