GUDAHA/wararka

DFS oo soo dhaweysay sannadka uu Maraykanka ku daray Caawinta UNSOS & AUSSOM

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka uu sannad kale ugu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Dowladda Soomaaliya waxa ay tallaabadaan ay qaadday Washington ku sifaysay mid xoojinaysa howlgallada ka dhanka ah AS iyo adkaynta Nabadgalyada gaar ahaan waqtiga kala guurka ah ee lagu diyaarinayo Ciidamada Federaalka ee buuxinaya kaalinta Askarta Afrikaanka ah ee Howlgalka AUSSOM sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 4-tii sano lasoo dhaafay guullo muhiim ah laga gaaray adkaynta Amniga Dalka iyada oo dib xasiloonida loogu soo celiyay deegaanno gacanta ugu jitay AS, Sidoo kale waxa ay xustay in ka badan 20 Saldhig ciidan ay kala wareegtay Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Maraykanka ayaa horay u jaray kaalmadii dhaqaale uu bixinayay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS oo caawiya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee fasaxa ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyada oo la filayo in howlgalkaas lasoo afmeero sannadka soo socda ee 2027

Arrintaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo horay ay codsi dhaqaale u gudbiyeen Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee ciidankaan soo diray ayaa billawday la bixitaanka qaar kamid ah ciidankooda waxaana durba boosaskooda buuxiyay Ciidanka Federaalka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dagaalka Tiknoolajiyadda iyo Soomaaliya: Khatarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hubaysan (Drones)

Horumarka tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ayaa si weyn u beddelay habka loo fuliyo…

2 hours ago

Mucaaradka Kenya oo walaac ka qaba Doorashada Dalkaas ka dhacaysa 2027

Xubnaha Mucaaradka Kenya ee doonaya in ay horseedaan isbaddel Siyaasadeed oo ka dhaca Dalkaas ayaa…

4 hours ago

Qaar kamid ah Ganacsiga muhiimka ah ee Maraykanka oo la kulmay weerar dhinaca Internet-ka ah

Dalka Maraykanka waxaa laga diiwaangeliyay weerarro dhinaca Internet-ka iyada oo dhacdadaan ay hoos u dhigtay…

5 hours ago

Golaha Ammaanka oo maanta kulan gaar ah ka leh Mustaqbalka AUSSOM & Amniga Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah maanta ka leh mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in lagala shaqeeyo la wareegida masuuliyadda amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay ka taageeraan la wareegida mas'uuliyadda Amniga…

21 hours ago

Shan muwadiniin Mareykan ah oo saacado lagu xiray Hargeysa

Ilaa shan muwaadin oo Mareykan ah ayaa muddo saacado ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Cigaal…

22 hours ago