ARAGTIDA DADWAYNAHA

Dagaalka Tiknoolajiyadda iyo Soomaaliya: Khatarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hubaysan (Drones)

Horumarka tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ayaa si weyn u beddelay habka loo fuliyo hawlgallada amniga, sahanka iyo dagaallada casriga ah. Waxa markii hore si weyn loogu adeegsan jiray sawirqaadista, beeraha, khariidaynta iyo kormeerka, maanta qayb muhiim ah waxa ay ka noqdayn awoodaha milatari ee dalal iyo kooxo hubaysan.

Isbeddelkan wuxuu keenay fursado cusub oo tiknoolajiyadeed, balse wuxuu sidoo kale abuuray caqabado amni oo u baahan feejignaan iyo qorsheyn; Gaar ahaan, adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan ayaa noqday arrin saamayn ku leh amniga dalalka ay colaadaha ka socdaan iyo guud ahaan xasilloonida gobollada ay ku yaallaan.

Soomaaliya, oo weli wajahaysa caqabado amni, waxaa muhiim u ah inay si dhab ah u qiimeyso khatarta ka dhalan kara faafitaanka tiknoolajiyaddan. Dhacdooyinkii laga soo sheegay Baydhabo iyo warbixinnada la xiriira adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gobolka waxay muujinayaan in arrintani u baahan tahay in laga hadlo, lana sameeyo diyaar-garow ku habboon.

Maqaalkani wuxuu falanqaynayaa noocyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan, sababaha kordhiyey adeegsiga, saameyntooda amni, xaaladda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo tallaabooyinka ay Soomaaliya qaadi karto si ay uga hortagto khataraha ka dhalan kara.

1-Waa maxay Drone, nooceese ayaan ka hadlaynaa?

Drone waa diyaarad aan duuliye saarnayn oo meel fog laga hago ama si otomaatig ah u shaqaysa. Waxaa loo adeegsadaa hawlo kala duwan sida sawir-qaadista, beeraha, khariidaynta, kormeerka amniga, cilmi-baarista iyo hawlgallada milatari.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in drone kasta uusan ahayn hub. Drones-ka rayidka ah iyo kuwa milatarigu waxay ku kala duwan yihiin ujeeddada loo adeegsado, qalabka ay wataan iyo awooddooda hawlgal.

Maqaalkani wuxuu diiradda saaraya drones-ka hubaysan (Armed Drones), gaar ahaan kuwa qaadi kara ama tuuri kara walxaha qarxa, iyo kuwa loogu talagalay inay bartilmaameedka ku dhacaan oo ay burburaan, kuwaas oo loo yaqaan One-Way Attack Drones.

Qaar ka mid ah drones-ka yaryar waa kuwo la qaadi karo, qiimahooduna ka hooseeyo qalabka milatari ee waaweyn. Sidoo kale, uma baahna kaabayaal waaweyn sida garoomada diyaaradaha ama hangarrada. Arrimahani waxay kordhiyeen suurtagalnimada in tiknoolajiyaddan ay gaarto dhinacyo aan hore u haysan awoodaha milatari ee casriga ah.

Cabbirkooda yar iyo awoodda ay u leeyihiin inay ku duulaan joog hoose waxay adkayn karaan ogaanshahooda. Nidaamyada radar-ka qaarkood waxaa ku adkaan karta inay si sax ah u aqoonsadaan walxaha yaryar ee hawada ku jira. Sidaas darteed, ogaanshaha iyo qiimeynta khatartoodu waxay u baahan karaan in la isku daro qalab iyo xog laga helo ilo kala duwan.

Waxaa kale oo muhiim ah in la kala fahmo laba eray oo inta badan la isku khaldo:

  • FPV Drone: Waa drone uu qofka hagaya si toos ah uga daawan karo muuqaalka kamaradda diyaaradda.
  • One-Way Attack Drone: Waa drone loogu talagalay weerar hal mar ah, kaas oo bartilmaameedka ku dhaca ama ku qarxa.

FPV wuxuu tilmaamayaa habka hagista, halka One-Way Attack uu tilmaamayo ujeeddada hawlgalka. Sidaas darteed, labada eray isku macne ma aha.

2-Maxaa keenay kororka adeegsiga Drones-ka hubaysan?

Horumarka tiknoolajiyadda ayaa si weyn u beddelay habka dagaallada casriga ah loo fuliyo. Diyaaradaha waaweyn ee milatariga weli waxay leeyihiin door muhiim ah, balse drones-ka yaryar iyo kuwa weerarka ayaa noqday awood cusub oo aan la iska indho tiri karin.

Sababaha ugu waaweyn ee kordhiyey adeegsiga drones-ka waxaa ka mid ah:

  • Kharashka: Qaar ka mid ah drones-ka yaryar ayaa ka jaban diyaaradaha dagaalka iyo nidaamyada milatari ee waaweyn.
  • Helitaanka tiknoolajiyadda: Horumarka suuqa qalabka elektaroonigga ah iyo tiknoolajiyadda ayaa fududeeyey helitaanka qaybo badan oo loo adeegsado samaynta drones-ka.
  • Awoodda hawlgalka: Drones-ku waxay suurageliyaan fulinta hawlo sahamin iyo weerarro qaarkood iyada oo aan duuliye si toos ah khatar ugu gelin goobta dagaalka.
  • Isbeddelka dagaalka: Dhinacyada dagaallamaya waxay si isa soo taraysa u raadinayaan tiknoolajiyado cusub oo kordhiya awooddooda milatari.

Dagaallada Ukraine, Suudaan iyo Bariga Dhexe waxay muujiyeen sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee yaryar iyo kuwa weerarku u beddelayaan qaababka dagaalka, una kordhinayaan caqabadaha hay’adaha amniga iyo difaaca cirka.

Si kastaba ha ahaatee, tani macnaheedu ma aha in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn beddeleen diyaaradaha dagaalka ee waaweyn. Waxa isbeddelay waa in awoodda hawlgallada cirka aysan hadda ku koobnayn dalalka haysta diyaaradaha dagaalka ee casriga ah.

3-Drones-ka hubaysan iyo isbeddelka amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan kuma koobna hal dal ama hal goob dagaal. Sannadihii u dambeeyey, tiknoolajiyaddan ayaa isa soo taraysa uga dhex muuqanaysay colaadaha ka socda Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo saamayn ku yeelatay xaaladda amni ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Suudaan: Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSF waxaa si weyn uga dhex muuqday adeegsiga Drones-ka. Warbixin ay Reuters baahisay 3-dii Sebtembar 2026, oo ka hadlaysay taageerada dibadda iyo doorka Drones-ka, ayaa muujisay walaaca laga qabo sida tiknoolajiyaddani u sii adkaynayso colaadda iyo khataraha ay ku hayso dadka rayidka ah.

Itoobiya: Drones ayaa sidoo kale lagu soo warramay in loo adeegsaday colaadaha gudaha Itoobiya. Arrintani waxay muujinaysaa sida tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qayb uga noqotay isbeddelka amniga Geeska Afrika.

Yemen: Drones-ka weerarka ayaa muddo ka mid ahaa awoodaha milatari ee Xuutiyiinta. Adeegsiga tiknoolajiyaddan ayaa saamayn ku yeeshay amniga gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan marka la eego weerarrada iyo xiisadaha ka dhaca marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya: Warbixinta Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee 2024 waxay diiwaangelisay qabashadii shan FPV drone iyo walxo qarxa oo Puntland ay Galkacyo ku qabatay Agoosto 2024. Warbixintu waxay sheegtay in dhacdadaasi u baahan tahay baaritaan dheeraad ah, iyadoo sidoo kale caddeysay in qabashada drones-kaasi aysan keligeed caddayn u ahayn in Yemen laga soo gudbiyey.

Dhanka kale, warbixinta Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Yemen ee 2025 waxay soo bandhigtay eedeymo iyo xog ku saabsan xiriirka hub iyo tiknoolajiyadeed ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira tababarro drones iyo walxaha qarxa. Xogtan waa in loo nisbeeyo warbixinta iyo ilaha ay soo xiganayso, halkii dhammaan faahfaahinteeda loo soo bandhigi lahaa xaqiiqooyin si madax-bannaan loo xaqiijiyey.

Dhacdooyinkan iyo warbixinnadani waxay muujinayaan in khatarta Drones-ku aysan ku koobnayn xuduudaha Soomaaliya, balse ay qayb ka tahay xaalad amni oo gobolka oo dhan saamayn karta. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in aan la isku khaldin dhacdooyinka la xaqiijiyey, warbixinnada la soo xigtay iyo eedeymaha aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

4-Maxay khatar u yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan?

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan waxay dagaalka casriga ah ku soo kordhiyeen khatar cusub oo dhinacyo badan leh. Waxay waxyeello u geysan karaan ciidamada, xarumaha muhiimka ah iyo goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Khatartoodu waxay sii kordhaysaa marka lagu adeegsado magaalooyinka iyo goobaha dadku ku badan yihiin. Weerar aan si sax ah loo beegsan, qalad farsamo ama xog khaldan ayaa sababi kara dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Waxaa jira dhowr arrimood oo khatartooda sii kordhiya:

  • Khatar ku wajahan shacabka: Adeegsiga Drones-ka hubaysan ee goobaha rayidka ah wuxuu kordhin karaa khasaaraha dadka aan dagaalka ku jirin.
  • Caqabadaha ogaanshaha: Drones-ka yaryar qaarkood way adkaan kartaa in si degdeg ah loo ogaado loona aqoonsado.
  • Kharashka difaaca: Mararka qaarkood, kharashka nidaamka difaaca ee lagu joojinayo drone-ka ayaa ka badan kara qiimaha Drone-ka laftiisa.
  • Saameynta nafsiga ah: Joogitaanka Drones-ka hubaysan wuxuu bulshada ku abuuri karaa cabsi iyo dareen amni-darro.
  • Burburka adeegyada muhiimka ah: Weerarradu waxay waxyeello u geysan karaan kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo xarumaha muhiimka ah.

Sidaas darteed, khatarta Drones-ka hubaysan ma aha oo keliya arrin ciidan. Waa arrin saamayn karta amniga bulshada, dhaqaalaha iyo xasilloonida guud ee dalka.

5-Sidee looga hortagi karaa Drones-ka hubaysan?

Ka hortagga Drones-ka hubaysan waxa ay u baahan tahay nidaam isku dhafan oo lagu ogaado, lagu aqoonsado laguna qiimeeyo khatartooda. Ma jiro hal qalab oo si isku mid ah uga hortagi kara dhammaan noocyada drones-ka.

Qalabka iyo nidaamyada difaaca ee muhiimka ah waxaa ka mid ah:

  1. Radar Systems: Nidaamyo lagu ogaado dhaqdhaqaaqa walxaha hawada ku jira, kuwaas oo qayb ka qaata digniinta hore iyo la socodka xaaladda hawada.
  2. RF Detection: Tiknoolajiyad lagu ogaado calaamadaha raadiyaha ee Drones-ka qaarkood isticmaalaan, taas oo ka caawin karta hay’adaha amniga inay aqoonsadaan dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo.
  3. EO/IR Cameras: Kaamirooyin ku shaqeeya muuqaalka caadiga ah iyo kulaylka, kuwaas oo gacan ka geysta xaqiijinta walxaha laga arkay hawada.
  4. Sensor Fusion: Isku-darka xogta laga helo qalab kala duwan si loo helo sawir amni oo dhammaystiran, loona yareeyo khaladaadka ka dhalan kara ku tiirsanaanta hal qalab.
  5. Automated Kinetic Anti-Drone System: Nidaam difaac oo otomaatig ah, kaas oo muhiimad weyn u leh difaaca amniga, gaar ahaan marka la wajahayo Drones hubaysan oo khatar ku ah ciidamada, xarumaha muhiimka ah iyo shacabka. Wuxuu qayb ka qaataa xoojinta awoodda difaaca iyo ka hortagga weerarrada drones-ka.

Si kastaba ha ahaatee, tiknoolajiyad keliya ma noqon karto xal buuxa. Waxaa loo baahan yahay shaqaale tababaran, nidaamyo digniin hore, habraacyo cad, ilaalinta dadka rayidka ah iyo iskaashi u dhexeeya hay’adaha amniga.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in nidaamyada difaaca loo adeegsado si waafaqsan sharciga, iyadoo la tixgelinayo badbaadada shacabka iyo khatarta ka dhalan karta tallaabo kasta oo lagu joojinayo drone.

6-Soomaaliya iyo khatarta Drones-ka hubaysan: dhacdadii Baydhabo

Dagaalladii Baydhabo ee 28-kii Sebtembar 2026 waxaa warbaahin kala duwan ka soo baxay warar sheegaya in la adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo walxaha qarxa sida.

Warbixin ay Mustaqbal Media baahisay 29-kii Sebtembar, taas oo soo xiganaysay bayaan ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegtay in weerarka lagu adeegsaday Drones qaraxyo sida. Sidoo kale, wakaaladda wararka AFP, oo ay soo xigteen warbaahin ay ka mid yihiin Al Jazeera iyo Hiiraan Online, ayaa baahisay hadal uu bixiyey taliye sare oo milatari, kaas oo sheegay in weerarka lagu adeegsaday diyaarado qaraxyo sida.

Baaritaanka madax-bannaan ee qoraaga

Dhacdadan waxaan ku sameeyey baaritaan madax-bannaan, anigoo la xiriiray dhinacyo kala duwan oo xog iyo aragti ka bixin kara dhacdada, isla markaana isbarbardhigay macluumaadka aan ka helay ilo kala duwan iyo warbixinnada warbaahinta.

Baaritaankaas iyo xogaha aan ururiyey waxay muujinayaan in dhacdadani ay tilmaamayso jiritaanka khatar amni oo u baahan in si dhab ah loo qiimeeyo. Waxay sidoo kale muujinaysaa in adeegsiga Drones-ka hubaysan uu Soomaaliya ku soo kordhin karo caqabado amni oo u baahan jawaab qorshaysan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la kala saaro sheegashada adeegsiga Drones-ka iyo aqoonsiga nooca saxda ah ee diyaaradahaas. Warbixinnada la helay ma bixinayaan xog ku filan oo lagu go’aamin karo in Drones-kii la adeegsaday ay ahaayeen FPV, One-Way Attack ama nooc kale oo gaar ah.

Sidaas darteed, dhacdada Baydhabo waa in loo adeegsadaa digniin ku saabsan khatarta drones-ka hubaysan, balse aan laga soo saarin gunaanad farsamo oo aan xog ku filan loo hayn. Waxa ugu muhiimsan waa in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato casharrada dhacdadan, ayna xoojiso awoodda ay ku ogaan karto, ku qiimeyn karto ugana jawaabi karto khataraha noocan ah.

7-Maxaa laga rabaa dowladda Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya waxaa horyaalla masuuliyad muhiim ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe qaran oo wax looga qabanayo khatarta Drones-ka hubaysan. Arrintani waa inay noqotaa qayb ka mid ah qorshaha guud ee amniga qaranka, halkii laga sugi lahaa in khataruhu sii bataan.

Tallaabooyinka mudnaanta leh waxaa ka mid ah:

  • Dejinta qorshe qaran oo lagula tacaalayo khatarta Drones-ka hubaysan.
  • Tababaridda ciidamada amniga iyo shaqaalaha farsamada ee ku shaqaynaya nidaamyada ogaanshaha iyo difaaca.
  • Horumarinta awoodda lagu ogaado laguna aqoonsado Drones-ka.
  • Ilaalinta xarumaha muhiimka ah, garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.
  • Dejinta sharciyo iyo habraacyo qeexaya adeegsiga, kormeerka iyo ka hortagga Drones-ka.
  • Xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo wadaagista xogta iyo khibradaha farsamo.
  • Samaynta hannaan lagu baaro laguna diiwaangeliyo dhacdooyinka la xiriira Drones-ka hubaysan.
  • Dhiirrigelinta cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta gudaha ee ku saabsan tiknoolajiyadda UAV iyo nidaamyada difaaca.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la sameeyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya hay’adaha amniga, wasaaradaha ay khusayso, khubarada tiknoolajiyadda, jaamacadaha iyo hay’adaha cilmi-baarista. Qorshaha qaran waa inuu isku dheellitiraa amniga, ilaalinta rayidka, sharciga iyo baahida loo qabo in tiknoolajiyadda drones-ka si nabad ah loogu adeegsado horumarinta dalka.

8-Doorka bulshada iyo warbaahinta

Ka hortagga khatarta Drones-ka hubaysan ma aha masuuliyad dowladda oo keliya. Bulshada iyo warbaahintu waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan wacyigelinta iyo yareynta khataraha.

Shacabka waa in lagu baraarujiyo inaysan taaban qalab duulaya ama walxo aan la aqoon oo laga shakiyo. Waa inay sidoo kale ka fogaadaan goobaha khatarta ah, isla markaana xogta la xiriirta qalabka laga shakiyo u gudbiyaan hay’adaha amniga.

Warbaahinta waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ah inay xaqiijiso xogta ka hor faafinteeda, kala saarto wararka la xaqiijiyey iyo kuwa aan weli la hubin, kana fogaato baahinta faahfaahin hawlgal oo khatar gelin karta ciidamada ama shacabka.

Waxaa kale oo muhiim ah in warbaahintu bulshada u sharaxdo farqiga u dhexeeya Drones-ka rayidka ah iyo kuwa hubaysan, si aan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loogu arkin qalab khatar ah. Wacyigelinta bulshada, warbixin sax ah iyo iskaashi lala yeesho hay’adaha amniga ayaa qayb ka noqon kara dhismaha bulsho u diyaarsan inay si masuuliyad leh uga jawaabto khataraha cusub.

Gunaanad

diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan waxay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah isbeddelka dagaalka casriga ah. Faafitaankooda iyo adeegsiga sii kordhaya waxay abuureen caqabado cusub oo amni, kuwaas oo aan ku koobnayn dalalka dagaalladu ka socdaan, balse saamayn ku yeelan kara dalalka deriska ah iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waa inay khatartan u aragtaa arrin u baahan qorshe qaran, aqoon farsamo, tababar, maalgelin iyo iskaashi caalami ah. Isla markaana waa muhiim in la ilaaliyo adeegsiga nabadeed ee Drones-ka, maadaama ay tiknoolajiyaddani faa’iido weyn u leedahay beeraha, khariidaynta, kormeerka deegaanka, cilmi-baarista iyo adeegyada kale ee bulshada.

Ka hortagga khatarta drones-ku ma aha oo keliya arrin ciidan, balse waa masuuliyad qaran oo la xiriirta ilaalinta shacabka, hantida, xarumaha muhiimka ah iyo amniga guud.

Diyaar-garowga khataraha Drones-ku ma aha arrin la sugi karo ilaa ay dhacdo musiibo amni. Waa arrin u baahan qorsheyn, maalgelin iyo siyaasad qaran oo laga shaqeeyo ka hor inta aysan khataruhu sii ballaaran.

Tixraacyada

  1. Mustaqbal Media (29 Sebtembar 2026). South West State Says Forces Repel Al-Shabaab Attack in Baidoa.
    https://mustaqbalmedia.net/en/south-west-state-says-forces-repel-al-shabaab-attack-in-baidoa/
  2. Hiiraan Online / AFP (28 Sebtembar 2026). Fighter Jets, Drones in Heavy Somalia Fighting.
    https://www.hiiraan.net/security4/2026/Sep/206383/fighter_jets_drones_in_heavy_somalia_fighting.aspx
  3. United Nations Security Council (7 Nofeembar 2024). Report of the Panel of Experts on Somalia, S/2024/748.
    https://documents.un.org/doc/undoc/gen/n24/268/37/pdf/n2426837.pdf
  4. United Nations Security Council (15 Oktoobar 2025). Report of the Panel of Experts on Yemen, S/2025/650.
    https://www.un.org/sexualviolenceinconflict/wp-content/uploads/2025/10/report/letter-dated-15-october-2025-from-the-panel-of-experts-on-yemen-addressed-to-the-president-of-the-security-council/n2523409.pdf
  5. Reuters (3 Sebtembar 2026). Warbixin ku saabsan taageerada dibadda iyo adeegsiga drones-ka dagaalka Suudaan.
    https://www.reuters.com/world/americas/foreign-support-drones-fuel-sudan-war-possible-war-crimes-un-probe-says-2026-09-03/

___________________________________________________________________

WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Carab, Drone Operator & UAV Researcher

Email: abdirahman.mohamed.arab@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

MM Editor

Recent Posts

Mucaaradka Kenya oo walaac ka qaba Doorashada Dalkaas ka dhacaysa 2027

Xubnaha Mucaaradka Kenya ee doonaya in ay horseedaan isbaddel Siyaasadeed oo ka dhaca Dalkaas ayaa…

4 hours ago

Qaar kamid ah Ganacsiga muhiimka ah ee Maraykanka oo la kulmay weerar dhinaca Internet-ka ah

Dalka Maraykanka waxaa laga diiwaangeliyay weerarro dhinaca Internet-ka iyada oo dhacdadaan ay hoos u dhigtay…

5 hours ago

Golaha Ammaanka oo maanta kulan gaar ah ka leh Mustaqbalka AUSSOM & Amniga Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah maanta ka leh mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

DFS oo soo dhaweysay sannadka uu Maraykanka ku daray Caawinta UNSOS & AUSSOM

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka uu sannad kale…

8 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in lagala shaqeeyo la wareegida masuuliyadda amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay ka taageeraan la wareegida mas'uuliyadda Amniga…

20 hours ago

Shan muwadiniin Mareykan ah oo saacado lagu xiray Hargeysa

Ilaa shan muwaadin oo Mareykan ah ayaa muddo saacado ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Cigaal…

22 hours ago