GUDAHA/wararka

DFS oo sheegtay in Sarkaal ka tirsan AS lagu dilay gobolka Bakool

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) oo ahaa sarkaal ka tirsan AS, ka dib howlgal ka dhacay deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo lagu dilay saraakaalkan oo muddo 15 sano ah ka tirsanaa AS.

Qoraalka Dowladda ayaa lagu sheegay in sarkaalkan uu ka howlgalayay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Sidoo kale, qoraalka dowladda ayaa lagu tilmaamay in sarkaalkan uu qeyb ka soo qaatay dagaallo ay galeen AS, isagoo soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole.

Hoos ka akhriso qoraalka dowladda

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago