Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ka dhacay Magaalada Masagawaa Bariga Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka Dowladda & ‘AS’
Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in isku day weerar oo ‘AS’ qorsheeyeen laga hortagay kaddib markii macluumaad la xiriira duullaankooda uu kasoo hormaray sida hadalka loo dhigay.
Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah Saraakiisha Guutada 77aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Magaalada Masagawaa ayaa sheegay in xubno badan laga dilay ‘AS’ halka laga gubay Gaadiid dagaal oo ay wateen.
Ereg ayaa intaas ku daray in ciidamada Dowladda Federaalka oo hayay xogta duullaanka uga imaanaya ‘AS’ in ay kahortag ku sameeyeen iyaga oo weeraray goobihii ay kasoo duullaan tagayeen sida uu yiri.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…