GUDAHA/wararka

Baarlamaanka DG Jubbaland oo ansixiyay Guddiga uu Magacaabay MW Axmed Madoobe

Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod gacan-taag ah ku ansixiyay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowlad-Goboleedkaas oo xalay uu magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii Ajandaha loo qaybiyo Xildhibaannada ka codsaday in ay aqbalaan si Dowlad-Goboleedkaas uga dhacdo Doorasho Dadban.

Fadhiga waxaa xaadirtay 66 Mudane, waxaana uu sidaas uga dhaqangalay codsiga Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee la xiriira in uu Baarlamaanka u codeeyo Guddiga Madaxabannaan & Xuduudaha Dowlad-Goboleedkaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii la magacaabay Guddigaan kasoo horjeysatay maadaama Dalka uu u jiheystay Doorasho Dadweyne.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago