GUDAHA/wararka

Caamir Muusa “Israa’iil waxa ay damacsan tahay in ay qabsato qayb kamid ah Masar & Sacuudiga”

Xoghayihii hore ee Ururka Jaamacadda Carabta Caamir Maxamed Muusa ayaa sheegay hadal aad u dhaliyay falcelin badan oo ka timid shucuubta Waddamada Masar iyo Sacuudiga kaddib markii uu tilmaamay in qorshaha Israa’iil uu yahay in ay qabsato qaybo kamid ah Dalalkaas.

Caamir ayaa shaaciyay in marka la eego dedaallada ay u xusul duubeyso Israa’iil iyada oo kaashaneysa Isbaheysigeeda oo ugu weyn yahay Maraykanka in ay dooneyso sidii ay isugu fidin lahayd dhulka Dalalka Carabta ee mustaqbalka saameynta ku yeelan kara.

Shucuubta labada Dal waa Masar iyo Sacuudiga ayuu Caamir Muusa ku wargeliyay in ay ka feejignaadaan halistaas oo haddii ay ku dhex abuuranto ama deris lasoo noqoto saameynta taban ku reebi karta jiritaankooda.

“Dheeraatayaa ama dhawaatayaa, Israa’iil waxa ay damacsan tahay in ay qabsato qayb kamid ah Dhulalka Masar & Sacuudi Carabiya, Yuhuuddu waxa ay Masaarida waydiisatay dhul gaaraya 2 Kiilo-mitir, taasi waxa ay muujineysaa sida ay u dooneyso in si tartiib-tartiib ah ugu soo siqdo Soohdinta” Caamir Muusa, Xoghayahii hore ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Israa’iil ay kawado Bariga Dhexe ayaa abuuray dood culus oo la xiriirta sida ay u dooneyso in ay isku fidiso Dalalka ku hareereysan ee Carabta ah oo qaarkood kol hore heshiis socon waayay la gashay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago