GUDAHA/wararka

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo & cunno.

Dadkaan Barakacay oo u badan Xoolo dhaqato ayaa isaga hayaamay Tuulada Godbo & Deegaanno kale oo dhinaca Miyiga ah oo hoos taga Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Dowlad-Goboleedka Puntland.

Waxa ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ceel-biyood deegaanka ah si ay u waraabistaan Xoolahooda iyagana ay u cabbaan biyahaas, fariin toos ah ayay u direen cid weliba oo xalka arrintaan gacan ka gaysan karta.

Qaybo kamid ah Gobollada Dalka gaar ahaan Waqooyiga waxaa ka jira abaaro xooggan oo saamayn taban ku reebay nolosha Dadka iyo Duunyada, dad ilaa haatan aan tira-koob rasmi ah lagu samayn ayaa barakacay, waxa ay raadsadeen dhul biyo & daaq leh.

Tani waxa ay sii kordhineysaa tirada qoysaska barakacay, Hay’adaha diiwaangeliya Barakacayaasha & Qaxootiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in barakacu uu weli socdo, khatartana ay sii kordhi karto sida ay hadalka u dhigeen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago