Dadka Boorama oo ka cabanaya biyo dhulka ka soo burqanaya

Dadka deggan Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa ka sheegayana biya ay sheegeen in aysan garaneyn waxa dhaliyay oo dhulka ka soo burqanaya.

Waxaa ay sheegayaan in Musqulaha ama Suuliyada aysan dhisnaankarin oo uu galayo daadka ka imanaya biyaha dhulka ka burqanaya.

Qof ka mid ah dadweynaha Boorama.

Qaar ka mid ah Dadweynaha Magaalada Boorama ayaa dowladda hoose ka codsaday in ay wax ka qababato.

Guryaha qaar ayaa looga barakacay biyaha oo aan ilaa hadda la ogeyn halka ay ka imanayaan, iyo waxa sababay in ay soo burqadaan.

Mas’uuliyiinta Dowladda hoose ayaa iyaguna ka codsaday Wasaaradda biyaha ee Maamulka Somaliland in biyaha tijaabo loo qaado oo sheybaar la geliyo maaddaama ay ka dhadhan duwanyihiin biyaha laga cabo magaalada.

Biyahan ayaa dhadhankooda lagu sheegay Dhanaan la mid ah Cusbada,waxaana dadku ay sheegayaan in ay casbi badan ku heyso,maaddaama labadii sano ee ugu dambeysay ay soo kordhayeen.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago