Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.
In ka badan 15-kamid ah Al-Shabaab ayay Dowladdu sheegtay in la dilay, tiro kalena la dhaawacay kadib markii lagu duqeeyay Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobolka Jubada Dhexe.
Warkaan oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in xubnaha la duqeeyay oo gaarayay 30-ruux ay ku shirsanaayeen goob 11km u jirta tiuulada Hargeysa yareey.
Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-KM qiyaastii u jirta Tuulada Hargeysa Yarey, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal lagu dhuftay goobta.
Qaar kamid ah Magacyada saraakiisha Shirka joogay ayaa lagu kala sheegay, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi iyo Waliid.
Al-shabab kama hadlin duqeyn ta la sheegayo in laga fuliyay degaankaas,Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab,waxaana todobaadkii la soo dhaafay oo kaliya uu shan weerar oo dhinaca cirka ah ka fuliyay Gobolka Mudug,halkaas oo uu mareykanku sheegay in uu ku dilay in ka badan 50 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…