GUDAHA/wararka

Cirro oo qiray in Masar, Sacuudiga & Turkiga ay diideen in ay aqoonsi siiyaan

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in Dalalka Masar, Turkiga iyo Sacuudiga in uu u diray warqad uu ku dalbanayo in ay aqoonsadaan Maamulkaas balse ka diideen arrintaas.

Cirro ayaa sheegay in uu warqado lamid ah kuwa uu u qoray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu in uu u diray Madaxda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya balse ay ka ku gacan-seereen.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa qiray in ay qoraalkiisa iska inkireen oo meelna kasoo qaadin Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Sisi, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, & Boqortooyada Sacuudiga sida uu hadalka u dhigay.

“Waraaqda aan u qornay Netanyahu mid lamid ah ayaan u diray Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar & Madaxweyne Erdogan (Madaxweynaha Turkiga) balse iima soo jawaabin” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Israa’iil ayaa ku keli noqotay Aqoonsiga Somaliland, Dunida inteeda kale waxa ay garab istaageen midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dalalka uu Cirro qoraallada u diray ayaa horay u sheegay in ay taageersan yihiin midnimada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

2 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

2 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

4 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

17 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

21 hours ago