Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor ayaa howlgal ay isugu fureen Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ciidankaan oo wata gaadiid iyo hub culus ayaa maray deegaanno muhiim u ah isu gudubkooda labadaan Magaalo.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Kornayl Aadan Maxamed Faarax oo hoggaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii la isugu furi lahaa Waddada 90ka Kiilo-mitir ah ee caasimadda & xarunta DG Hir-Shabeelle isku xirta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ay dib ugu furayso Magaalooyin muddo go’doon ku jira, waxaana howlgalkii kan ka horreeyay uu ahaa kii ay ku tageen Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Ciidanka Gorgor waxaa tababaray Turkiga, waxa ay wataan Gaadiid Gaashaaman iyo hubka casriga ah, waxa ay kaalin wayn ka qaateen howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…