GUDAHA/wararka

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo fuliyay howlgallo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho & Jowhar

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor ayaa howlgal ay isugu fureen Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ciidankaan oo wata gaadiid iyo hub culus ayaa maray deegaanno muhiim u ah isu gudubkooda labadaan Magaalo.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Kornayl Aadan Maxamed Faarax oo hoggaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii la isugu furi lahaa Waddada 90ka Kiilo-mitir ah ee caasimadda & xarunta DG Hir-Shabeelle isku xirta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ay dib ugu furayso Magaalooyin muddo go’doon ku jira, waxaana howlgalkii kan ka horreeyay uu ahaa kii ay ku tageen Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka Gorgor waxaa tababaray Turkiga, waxa ay wataan Gaadiid Gaashaaman iyo hubka casriga ah, waxa ay kaalin wayn ka qaateen howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Muqdisho oo laga daahfuray Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka

Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho,…

14 hours ago

Maxaa ka jira in Diyaaradaha Turkiga ee F-16 si kama’ ah u duqeeyeen Ciidan ka tirsan XDS?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wararka sheegaya in diyaaradaha…

14 hours ago

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2027 oo hoos u dhacday 9.2%

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo gaareysa…

15 hours ago

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax…

15 hours ago

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

2 days ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

2 days ago