Shirkadda Xamuulka ee Maersk ayaa si kumeel-gaar ah u joojisay xamuulkii ay gayn jirtay iyo kuwa ay kasoo qaadi jirtay Dekedda Berbera ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirkaddaasi.
Waxa ay xustay in ay dhammaystirayso shaqooyinka qabyada u ah balse aanay jiri doonnin wixii maanta ka dambeeya in ay qabato dalbaad cusub iyada oo arrintaan sabab uga dhigtay isbaddel cusub oo soo kordhay inkasta oo aysan sheegin.
Shirkaddu waxa ay shaacisay in ay sii wadayso shaqada ay ka waddo Dekedaha Muqdisho, Jabuuti & Mombasa, waxa ay macaamiisheedu ku wargelisay in ay dalban karaan adeegyada ay ugu qabato saddexdaan Marso.
Shaqada ugu badan ee xamuulka Dekedda Berbera ee Shirkaddaan ay qabanaysay waa shirxanado intooda badan u socda dhinaca Itoobiya, waxaana la ogayn sida ay arrintaan u saamayn karto Dalkaas aanay lahayn Badda.
Maersk, waxaa lagu aasaasay Svendborg ee Dalka Denmark 16kii April sanadkii 1904 waxa ay kamid tahay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xamuulka, dhammaadkii 2021 ayay si rasmi ah uga shaqo billowday Dekedda Berbera.
Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa culays xooggan kala kulmaya shirkado kala duwan kuwaas oo ka cabsanaya inay dhibaato kasoo gaari karto xiisadda siyaasadeed uu dhexda ka galay Maamulkaasi, waxaana lagu wadaa in shirkadaha qaarkood ay qaataan go’aan ay ku badbaadsanayaan hantidooda.
Mustaqbal
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…