Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa cambaaraysay faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya, waxa ay ku tilmaamtay tallaabooyinka ay qaadayso Tel Aviv mid ay meel isaga tuurtay nidaamka caalamiga ah ee dalalka ku kala joogaan.
Iiraan ayaa Soomaalida usoo jeedisay in aysan aqbalin kala qaybinta Yuhuudda ay ku hayso dalkeeda, waxa ay xustay in tallaabadaan ay Israa’iil ka damacsan tahay sidii ay u kala qaybin lahayd Soomaaliya una gelin lahayd dhibaato.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in Xukuumadda Netanyahu ay ku dhaqaaqday tallaabooyin ka dhan ah axdiga Qaramada Midoobay ee dalalka kala xakamaynaya.
Iiraan waxa ay ku biirtay liiska dalalka cambaareeyay saddexda tallaabo ee sida sharci darrada ah ay Israa’iil ugu faragelisay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ay Dowladda Federaalka ku bogaadiyeen in ay xoojiso ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed.
Mustaqbal
Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho,…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wararka sheegaya in diyaaradaha…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo gaareysa…
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax…
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…