Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Dowladda yahay muddo shan sano ah, isla markaasna uu dhaqan galay Dastuurka cusub.
Ra’iisul wasaaraha oo khudbad dhinac badan taabaneysay ka jeediyay xarig jarka dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa jawaabo siiyay Xubnaha Mucaaradka ee ku doodaya inuu weli shaqeynayo Dastuurka Kumeel Gaarka ahaa ee la anxisixyay 2012.
“Dastuurka 2012 baa sax ah, haddana waqtiga waa dhammaaday waa wax aan macquul ahey, muddo xileedka dowladda waa shan sano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Mucaaradka ayaa yiri “Siyaasiga Mucaaradka waa inuu Ilbaxo, waa laga gudbay xilligii isku hanjabi jiray, Amniga waa sugan yahay”
Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijiyay qorshaha lagu kala saaray Golaha Fulinta iyo Sharci Dejinta, isagoo tilmaamay in wasiirada ay kala dooran doonaan labada hay’adood.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…