GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dowladda yahay 5 sano

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Dowladda yahay muddo shan sano ah, isla markaasna uu dhaqan galay Dastuurka cusub.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad dhinac badan taabaneysay ka jeediyay xarig jarka dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa jawaabo siiyay Xubnaha Mucaaradka ee ku doodaya inuu weli shaqeynayo Dastuurka Kumeel Gaarka ahaa ee la anxisixyay 2012.

“Dastuurka 2012 baa sax ah, haddana waqtiga waa dhammaaday waa wax aan macquul ahey, muddo xileedka dowladda waa shan sano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Mucaaradka ayaa yiri “Siyaasiga Mucaaradka waa inuu Ilbaxo, waa laga gudbay xilligii isku hanjabi jiray, Amniga waa sugan yahay”

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijiyay qorshaha lagu kala saaray Golaha Fulinta iyo Sharci Dejinta, isagoo tilmaamay in wasiirada ay kala dooran doonaan labada hay’adood.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Muqdisho oo laga daahfuray Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka

Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho,…

15 hours ago

Maxaa ka jira in Diyaaradaha Turkiga ee F-16 si kama’ ah u duqeeyeen Ciidan ka tirsan XDS?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wararka sheegaya in diyaaradaha…

15 hours ago

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2027 oo hoos u dhacday 9.2%

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo gaareysa…

16 hours ago

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax…

16 hours ago

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

2 days ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

2 days ago