Ciidanka dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay Sh.Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo Saqdii dhexe ee Xalay ka dhacay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Ururka Al Shabaab ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Deegaanka Golweyn.

Dagaalka oo mudo saacado ah socday ayaa geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen inay khasaare xoogan gaarsiiyeen Shabaabka weerarka soo qaaday.

Ciidanka dowladda ayaa saakay wada hawlgal amniga lagu xaqiijinayo, waxayna ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay.

Shabaab dhankooda wali wax war ah kama soo saarin weerarka ay xalay qaadeen iyo khasaraaha ka dhashay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago