GUDAHA/wararka

Ciidamada Kenya oo adkaynta amniga xeryaha ay ku leeyihiin Soomaaliya u adeegsanaya Drones

Ciidamo katirsan Kuwa Difaaca Kenya KDF ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa loo tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan si ay u helaan xogaha dhaqdhaqaaqa ku wajahan xeryahooda.

18 xubnood oo laga soo dhex xulay ciidanka Kenya ayaa lagu tababaray xero ku taalla Degmada Dhoobley, waxaa la baray qaabka loo adeegsanayo diyaaradaha Drones-ka ee yaryar si ay ula socdaan dhaqdhaqaaq weliba oo ka dhan ah saldhigyadooda.

Xafiiska taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay UNSOS ayaa ku taageertay tababarkaan ciidanka Kenya si ay u xoojiyaan xirfadda lagu adkaynayo amniga xeryahooda, la socodka dhaqdhaqaaqa ka socda agagaarkooda & nabadgalyada ciidankaas.

Taliyaha howlgallada Ciidanka Kenya ee Magaalada Dhoobley Kornayl Morris Wasomi ayaa sheegay in adeegsiga Drones-ka ay u fududeyneyso in si dhow loo helo xogaha hareeraha xeryaha ciidankooda si looga hortago cid weliba oo halis ku ah.

Qaramada Midoobay oo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM taageerta ayaa tababar joogta ah siisa qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay howlgalkaan, waxyaabaha inta badan la baro waxaa kamid ah qaabka ay isku difaacayaan iyo sida looga hortago xadgudub ka dhici kara.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago