Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa abaabulka dagaal ka dhan ah AS ka wada deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.
Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, kuwa Deegaanka ayaa kulamo la yeeshay dadka deegaanka Magaalada Wisil ee Koofurta Gobolka Mudug.
Taliyaha Guutada 18-aad ee Gorgor, Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah AS ay ka billaabayaan deegaannada maamulka Galmudug.
“Siyaasiyiinta haddey doonayaan in ay dalka ka taliyaan waa in dowladda laga taageeraan dagaalka AS” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi
Sidoo kale, Taliya ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay in ay ciidamada Amniga ka taageeraan dagaalka.
Maalmihii la soo dhaafay Madaxda sare ee dalka ayaa furimaha hore tagayay, halkaasi oo Saraakiisha Ciidanka ku farayeen dardar galinta dagaalka AS.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…