China: Darawal iyo Rakaab dagaallamay oo sababay dhimashada 13 qof

Ugu yaraan 13 Qof ayaa geeriyootay halka labo qpf oo kale lala’yahay kaddib markii Wade Gaari Bas ah oo ay la socdeen ay isku dhaceen mid ka mid ah Rakaabkii Gaariga saarnaa.

Gabar ka mid ahayd Rakaabka ayaa soo dhaaftay Bosteejadii ay ku degi lahayd,waxaana ay Wadaha Gaariga Baska ah weydiisay in uu u joojiyo.

Darawalka ayaa u sheegay in uusan joojin meel uu gaari istaajin karo ilaa Bosteejo kale laga gaaro,laakiin Haweeneyda oo magaceeda lagu soo gaabiyay Liu,ayaa gacanta ula tagtay wadihii intii uu iska fujinayayna waxaa Waddada ka baxay Baskii uu xilligaas dulmarayay Kaabad ama Buundo dul marta Wabiga ugu weyn dalka China ee Yangtze.

Maamulka iyo Booliska Magaalada Chongqing, ayaa sheegay in kooxda gurmadka ay soo heleen 13 Qof oo Rakaabka ka mid ah,labo qof oo kalena la la’ayahay.

Kaabadda ayaa Wabiga ka sarreysa 50 Mitir,halkaas oo uu Baska ka soo dhacay sababayna in dadka badan ay ku geeriyoodaan.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

7 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

9 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

9 hours ago