GUDAHA/wararka

Caqabadaha ay la kulmaan gabdhaha waddooyinka Muqdisho ku iibiya Looska!

Muqdisho waa magaalo ay ka soo kabaneysa burburkii ka soo gaaray dagaalladii sokeeyay ee soo bilowday 1991-kii, marka aad dhexsocotid waddooyinka caasimadda waxa ay indhahaagu qabanayaan daaro si casri ah loo dhisay dhismahooda, iyo goobo ganacsi oo aan horay looga arag naqshaddooda.

Ka soo kabashada burburka, dhanka kale waxaa barbar socda dadaallada iyo nafhurnimada ay wadaan dhallinyarada caasimadda, kuwaas oo iskooda u abuurtay shaqooyin ay gaar u leeyihiin ka gadaal markii ay wayeen fursado ganacsi iyo shaqo abuur ay u sameyn lahayd dowladdooda.

Marka aad dhexsocotid waddooyinka caasimadda waxa aad ku arkaysaa gabdho da’yar ah kuwaas oo wareejinaya caagad yar oo balaastiga ah, kuwaas oo ay ku jiraan Loos iyo Sabiib, iyo Loos gooni ah, kuwaas oo nolol maalmeedkooda ka raadiyaan, si ay ugu taageeraan qoysaskooda.

Gabdhahaan ayaa da’dooda waxa ay u dhaxaysaa 5 jir illaa 25 jir, waxa ayna badankood shaqada soo galaan galinka dambe ee maalinta illaa 12:00 AM. Marka aad dhex socotid caasimadda waxa aad arkaysaa iyaga oo u socda koox koox iyo kali kali, qaarkood ayaa socod ku iibiya, halka qaarka kale ay leeyihiin goobo gaar u ah oo lagu yaqaan.

 

Da’yartaan ayaa shaqadaan u noqotay hab nololeed ay ku taageeraan qoysaskooda iyo naftooda, inkasta oo ay la kulmaan caqabado bulsho iyo mid dhaqaale.

Mustaqbal Media oo u kuuro gashay baarisna ku soo sameysay, ayaa ku ogaatay in gabdhaha Muqdisho ku gada looska  85% ay ku qasabtay duruufo dhaqaale, badankood inta ay ku guda jiraan ganacsigaan ay la kulmaan tacadiyo, suuq xumo iyo amni xumo la xiriirta shaqadooda maalin laha ah.

Aamina oo aan qarinnay magaceeda saxda ah; waa Hooyo 24 jir ah, waxa ay ka mid tahay hablaha iibiya looska, waxa ay inoo sheegtay qaraashaadka ay ka hesha ay ku maareyso nolol maalmeedka caruurteyda, iyo waalidkeyda, waxa ay xustay in la kulanto xadgububyo kaga imaanaya ragga.

“Mararka qaar waxaa jira rag isku daya inay ka faa’iideystaan duruufahayga, waxay igu dhahaan waxaad tahay nafaqo ii imow lacag ayaan ku siinaa, kaligayga ayaa hotel degan, qof soo guursaday wax fahmaayo ayaad tahay,” ayay tiri Aamina oo noo warantay.

Inta aan ku jirnay xog aruurintan waxaa wareysi la yeelannay Caasha Cali, oo 20 jir ah waxa ay inoo sheegtay in shaqadaan ay u soogashay si ay u caawiso qoyskeyda, waxa ay sheegtay in dhibaato kala kulanta “Ragga”, iyada oo tiri, “Ragga qaar waxa ay isku dayaan in ay ka faa’ideystaan baahidaada.”

Caasha oo dugsiga sare dhameysay 2022, ayaa ku biirtay Jaamacad, markii ay wadday sanad way ka hartay sababa dhaqaale awadood, “Jaamacadda sanad aniga oo dhiganaya ayaan ka tagay sababo la xiriira buufis iyo duruufo dhaqaale, hamigayga ayaa ahaa in aan mar uun noqdo ganacsade,” sida ay tiri.

Waxaa jira gabdho kale sida Shamsa oo galin waxbarata galinna ku shaqeysa iibinta looska, waxa ay inoo sheegtay in waalidkeyda uu ku nool yahay gobollada dalka, halka ay iyada Muqdisho joogta, reerka ay la joogta ay ka caawisa nolol maalmeedkooda.

“Waxaan la noolahay adeerkey oo xanuun dhimirka ah qaba oo aan shaqeyn karin iyo eedo, shaqada gelin dambe ayaan soo galaa, gelinka hore eedo ayaa gada looska, aniga iskuul ayaan dhigtaa gelinka hore,” sida ay tiri Shamsa.

18 jirtaan hadda dhiganeysa dugsiga sare ayaa rajeyneysa mustaqbalka in ay noqota dhakhtar guud, si ay u caawisa dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose oo hadda ka cabanaya dhibaatooyin caafimaad.

Bulshada Muqdisho iyo macaamiisha gabdhaha Looska iibiya ayaa bogaadiyay shaqadaan. Cabdiraxmaan oo inoo waramaya ayaa yiri, “waa gabdho shaqeysanaya, waan ku bogaadinayaa inay dhididkooda ku nolol raadsadaan. Sababta aan uga gato Looska waa dhiirigelin iyo taageero aan iyaga u muujinayo.”

Xaliimo Cabdi ayaa iyadana ku dooday “Gabdhaha qaar duruufo adag ayaa shaqadan ku riixday, raguna qaarkood way uga faa’iideystaan. Shaqadaan ma’ahan mid ku habboon haweenka, waayo haweenka waa sida hilib karsan oo kale, raga qaar waxaa ay rabaan in ay ka faa’ideystaan, laakiin fursado kale looma helin.”

Gabdhaha looska iibiya ee Muqdisho waxa ay muujinayaan geesinimo iyo adkeysiga haweenka Soomaaliyeed, iyaga oo wajahaya duruufo adag, haddana waxay ku howlan yihiin sidii ay noloshooda iyo tan qoysaskooda u taageeri lahaayeen.

Taageero iyo fursado waxbarasho iyo shaqo ayaa ka caawin kara inay ka baxaan duruufaha adag, waxa ay baaq codsi u direen dowladda Soomaaliya, iyaga oo ka codsaday in loo sameeyo shaqo abuur iyo fursado kale ay ku shaqeysan karaan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

6 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

9 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago