Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta oo ka kooban lixda dal ee Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qadar, Cumaan iyo Kuwayt ayaa dhawaan hirgalinaya nidaam safar mideysan oo qof kasta oo dalalkaasi ka soo jeeda u fududeynaysa safarka.
Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta, Jasem Al-Budaiwi, ayaa sheegay in nidaamkan cusub marka hore lagu tijaabin doono duullimaadyada u dhexeeya Imaaraadka iyo Baxreyn, ka hor inta aan loo gudbin dalalka kale ee xubnaha ka ah.
Tusaale ahaan, hadda qofka u safraya Imaaraadka ilaa Baxreyn waa inuu laba jeer maro baaritaan mid marka uu ka dhoofayo iyo mid kale marka uu tago. Laakiin nidaamka cusub wuxuu suurtagelinayaa in hal mar oo keliya la hubiyo, natiijadaasna ay labada dal isla aqoonsan doonaan. Taas ayaa ka dhigan in safarku noqdo mid fudud, degdeg ah, oo waqti badbaadinaya.
Ujeeddada nidaamkan waa in socdaalka muwaadiniinta Khaliijka uu noqdo mid la mid ah socdaal gudaha dal gudaheeda ah, halkii uu ahaan lahaa safar caalami ah oo adag.
Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in shirkii ugu horreeyay ee amniga dalalka Iskaashiga Qaliijka lagu qaban doono Abu Dhabi sanadka 2027.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…