GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Lundquist.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in Sweden ay door muuqda ka qaadato barnaamijyada dib-u-dhiska dalka, horumarinta hay’adaha dowladeed, iyo xoojinta nabadda iyo dimuqraadiyadda.

Danjire Hans Lundquist ayaa dhankiisa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku bixineyso adkeynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo ballan qaaday in Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya si loo gaaro horumar waara.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee cusub ee ku aaddan kobcinta dhaqaalaha, taageerada haweenka iyo dhalinyarada, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

6 hours ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

6 hours ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

8 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

8 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

13 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

14 hours ago