Cali Xaaji Warsame waa 52, jir, waxa uu ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, sanadkii 1964-tii.
Waxa aan kamid ahaa koox ka tirsan Warbaahinta Soomaaliya oo Musharax Cali Xaaji Warsame kulan kul ayeeshay hotelka Grand Indian Cuisine ee Magaalada Nayroobi, Waxa uu u muuqday nin sheegi kara sababta uu u doonayo xilka madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa aan weydiiyey dhowr su’aalood oo lagayaabo in dad ila mid ah ay weydiin lahaayeen.
Su’aalaha waxa kamid ahaa Sababta uu u doonayo in uu noqdo madaxweyne isaga oo og caqabadaha waaweyn ee maanta horyaal Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo le siyaasad iyo Bulshaba?
Waxa uu ii sheegay in uu leeyahay xirfad uu ku shaqeysto, islamarkaana uu haysto nolol illaa xad isaga iyo qoyskiisuba ay ku noolaan karaan, sidaas daraadeedna uusan lahayn ujeeddo dhaqaale iyo magac doon ah balse uu gudanayo waajib isaga saaran sida ay la ahayd Cali Xaaji.
Waxa aan waydiiyey waxa uu qaban karo xilligan oo aysan qaban madaxdii dalka soo hoggaamisay, Cali; waxa uu ii sheegay in maanta uusan joogin meel uu dib uga noqdo oo uu siyaasadda uga baxo, sidaas awgeedna uu go’aansaday in uu awooddiisa iyo garashadiisa isugugeeyo sidii uu wax uun ugu kordhin lahaa dowladnimada iyo Soomaalinimada.
Cali; waxa uu ii sheegay in damaca iyo hammiga siyaasadeed uu ku kordhay markii uu noqday Wasiirka Waxbarashada ee DG Puntland, markaas oo sida uu ii sheegay uu wasaaradda waxbarashada ee Puntland shaqo weyn oo fiican ka qabtay.
Sida ay dadkeena siyaasaddu yiraahdaan marka ay ku jiraan ololaha iyo tartanka siyaasadda waxa uu Cali Xaaji; ii sheegay in laxow daleed iyo damaq dadeed hayaan, ayna yihiin kuwa ugu waaweyn ee uu u go’aansaday in uu isuu sharraxo xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Waxa aan weydiiyey fursadaha iyo yididiilada uu leeyahay ee ku caawin kara in uu noqdo madaxweyne, waxa uu yiri: “Kow; Waxa aan ahay musharaxa keli ah ee ka yimid dhinaca ganacsiga iyo bulshada Rayidka (Business sector & civil society), sidaas awgeed waxa aan haystaa fursad aanay haysan musharixiinta kale, Laba: Tartan madaxtinimo ayaan soo galay, sidaas awgeed cadaadiskii iyo cabsidii i hayey waagaas hadda ima hayaan, waxa aan u socdana waan aqaan, Saddex: Ragga ila tartamaya badankoodu waxa ay soo mareen tijaabo siyaasadeed, oo heer federal ah, waxa lagayaabaa in aanay ku soo guuleysan, oo taasina ay dhaawac siyaasadeed ku tahay, sidaas oo kale waxa aan leeyahay dulqaad siyaasadeed oo haddii la iga guuleysto waxa aan awoodaa in aan u hambalyeeyo musharixii ku guuleysta”
Inkasta oo dadkeena Siyaasaddu ay aad uu qalbi fiican yihiin xilliga ololahooda ayna is rogaan marka ay la kulmaann cadaadiska iyo culeyska xilka iyo hoggaaminta marka ay qabtaan talada haddana waxa ii muuqatay in Cali Xaaji Warsame yahay siyaasi ilbax ah oo illaa xad ka badbaadi kara qabyaaladda iyo kooxeysiga oo kamid ah dhibaatooyinka siyaasadeed ee hortaagan horumarka dowladnimada iyo siyaasadda maamulka Soomaaliya, Cali Xaaji Warsame waa 52, jir, waxa uu ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, sanadkii 1964-tii.
Waxbarashada asaasiga ah waxa uu ka billaabay Hargeysa, waxa uuna ku dhammeeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxa uu shahaada koowaad ka qaatay mac-hadkii horumarinta maamulka iyo ganacsiga ee SIDAM, oo ku yiil Muqdisho,
Shahaadada Masterka waxa uu ka qaatay jaamacadda American University , ee London, waxa uu madax ka noqday dekedda Boosaaso, sidaas oo kale waxa uu noday guddoomiya guddiga fulinta ee shirkadda Isgaarsiinta ee Golis, kadiba waxa loo magacaabay Wasiirka waxbarasada ee dowlad goboleedka Puntland.
Isutagga Imaaradka Carabta ayuu ka shaqeeyey, isaga oo dowladda Imaaraadka u noqday Xisaabeye, waxa uu muddo ku noolaa ingiriiska.
Dhowaan ayuu shaaciyey in uu sharraxan yahay tartanka madaxtinimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee sanadka 2016
WQ: Axmed C. Guutaale
Nairobi-Kenya
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…