Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay Maxkamadda u gudbin doonaan dhallinyaro gaaraysa 20 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyey in Baraha Bulshada ay ka wadeen abuuris colaadeed, taas uu Booliska ku sheegay in ay iska horkeenayso bulshada.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta uga warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya uu ku raadjooga dhallinyaro abaabul ka waday Baraha Bulshada.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay gacanta ku soo dhigeen Haween iyo Rag tiro badan oo isugu jira, Raggii Baraha Bulshada ka waday abuurista colaadda iska hor keenista Bulshada walaalaha ee nabadda kuwada nool,” sida uu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.
Cabdifataax Aadan Xasan Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa xusay in ciidanka Booliska uu ku raadjooga dhallinyaro kale kuwaas oo xusay in ay qeyb ka ahaayeen dagaal Baraha Bulshada ka bilowday, waxa uu sheegay in ay qasab tahay in la helo halkii uu ka soo faracmay dagaalka.
“Cid waliba oo kiiskaas lug ku lahayd oo abaabulkiisa ama ka qeyb qaadatay maanta waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxa aan halkaan ka cadeeneynaa sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamadaha loo horgeyn doono,” sida uu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga…
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug…
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka…
Maanta oo kale 19kii Agoosto 2011 waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyir Erdogan…