Booliska Ingiriiska oo raadinaya Nin Soomaali ah

Booliska Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa soo saaray warqad lagu doonayo in lagu xiro Cabdi Cali oo 28 jir ah islamarkaana loo heysto in uu dilay Haweeney lagu magacaabayay Shaun Lyall.

Shaun Lyall,waxaa ay ahayd 47 jir,waxaana lagu dilay degaanka Cleethorpes,bishii July ee la soo dhaafay sida ay sheegayaan Booliska.

Ninka loo heysto dilka Haweeneydan ayaa waxaa uu isku qarinayaa meelo ka mid ah dalka Ingiriiska oo ay degganyihiin Qaraabadiisa.

Booliska ayaa baahiyay sawirradiisa,waxaana ku taalla Astaan ah in uu afka ugu jiro Ilig Dahab ka sameysan,kaas oo la tuhmayo in uu iska bixiyay si uu Booliska uga dhuunto.

Cabdi Cali oo ay Booliska sheegeen in lagu naaneyso Ninka Waalan,ayaa waxaa sidoo kale laga raadinayaa Magaalooyinka kala ah; Liverpool, Manchester, Milton Keynes, Lincolnshire iyo Cleveland.
Booliska ayaa lacag u ballan qaaday qofkii soo hela xog lagu soo xiri karo Cabdi Cali oo loo heysto dilka Haweeneyda.

Lacagta ayaa lagu sheegay in ay gaareyso £5,000 oo Pound-ka Ingiriiska ah,waxaana sidoo kale dadka laga codsaday in Nambarka gaaban ee 101 ay kala xiriiraan Booliska haddii ay helaan xogta Cabdi Cali.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

2 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

4 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

5 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

7 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

9 hours ago