Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Barcelona oo guul dirqi ah ka gaartay Savilla

Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan La Ligaha xilli kulanka dhaawac looga saaray Messi.

Barca ayaa Sevilla siin fursad ay ciyaarta kula qabsadaan waxaana gool deg deg ah kaga naxsaday Philippe Coutinho kaasi oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 2-aad .

Xili Sevilla ka dib goolkaas ay sameynayaan hadana waa looga fara dhuubnaa abuurista fursdaaha halista ah waxaana gool kale ka dhaliyay Messi daqiiqaddii 12-aad.

Balse farxadaas waxaa hareeyay murago kale ka dib markii Messi dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 26-aad xilligaas oo lagu badalay Dembele waxa ayna imaaneysaa ka hor kulanka El Clasico ee Barca ku soo wajahan.

Heerka kubad haysashada Barca ee qeybtii hore ayaa gaartay heer dhan %58 balse Sevilla oo ciyaareysay kubad baasas leh ayay ku adkeyd in ay cagtooda ku hayaan.

Qeybtii labaad ciyaarta waxa ay aheyd mid deg degsiimo leh waxaana Sevilla marar badan ku dhaweyd in goosha Barca gaaraan.

Xilli xaalka sidaas yahay ayay Barcelona heleen rigoore waxaana dhaliyay Suarez daqiiqaddii 63-aad balse Sevilla waxaa ka go`anaa in ay goolal helaan

Dhamaadkii Sevilla waxaa fursado ka bad baadiyay goolhaye Ter Stegen balse  gool ayay heleen daqiiqadii 79-aad waxaana saxiixay Pablo Sarabia balse Barca gool 4-aad ayay heleen daqiiqadii 88-aad waxaana saxiixay Ivan Rakitic halka Sevillana dhaliyeen gool labaad waqtigii geerida.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

4 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

7 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

7 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

7 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

9 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

11 hours ago