Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Barcelona Oo diyaar la ah Yerry Mina, Gomes iyo 50 Milyan si ay u hesho Paul Pogba.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba xilli ay kor u qaadayaan dalabkii ay Man United ka diiday inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda difaacanayda La Liga ayaa laga diiday dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro iyo waliba xiddigaha Yerry Mina & Andre Gomes.

Laakiin sida ay sheegayaan wararka ka imanay Italy xiddiga ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Barcelona.

Hadii ay United aqbasho in uu Pogba ku biiro kooxda Barcelona Waxa uu qalinka ku duugi doonaa heshiis 5 sano ah oo uu ku qaadan doono 100 milyan oo euro.

Inkasta oo uu suuqa Premier League xidhmi doono khamiista hadana Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso adeega xiddiga maadama uu suuqa La Liga furnaan doono bishan oo dhan.

Xiddiga koobka Adduunka ku guulaystay ayaa United ku soo biiray 2016 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Man United.

Laakiin Xiddiga ayaa ku dhibaatooday kooxda tan ilaa markii uu Jose Mourinho la wareegay shaqada tababaranimo ee kooxda Man United.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

9 mins ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

16 hours ago