Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Barcelona Oo diyaar la ah Yerry Mina, Gomes iyo 50 Milyan si ay u hesho Paul Pogba.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba xilli ay kor u qaadayaan dalabkii ay Man United ka diiday inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda difaacanayda La Liga ayaa laga diiday dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro iyo waliba xiddigaha Yerry Mina & Andre Gomes.

Laakiin sida ay sheegayaan wararka ka imanay Italy xiddiga ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Barcelona.

Hadii ay United aqbasho in uu Pogba ku biiro kooxda Barcelona Waxa uu qalinka ku duugi doonaa heshiis 5 sano ah oo uu ku qaadan doono 100 milyan oo euro.

Inkasta oo uu suuqa Premier League xidhmi doono khamiista hadana Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso adeega xiddiga maadama uu suuqa La Liga furnaan doono bishan oo dhan.

Xiddiga koobka Adduunka ku guulaystay ayaa United ku soo biiray 2016 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Man United.

Laakiin Xiddiga ayaa ku dhibaatooday kooxda tan ilaa markii uu Jose Mourinho la wareegay shaqada tababaranimo ee kooxda Man United.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman

Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…

2 hours ago

Jarmalka oo kamid noqday Dalalka Yurub ee Dibadbaxyada Dhallinyarada gilgileen

Dalka Jarmalka ayaa kamid noqday Dalalka Yurub kuwaas oo ay gilgileen dibadbaxyada dhallinyada ka cabanaysa…

2 hours ago

Uganda oo Ciidan cusub usoo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa Ciidan usoo dirtay Soomaaliya kuwaas oo ah qaybta 48aad si ay u…

3 hours ago

Soomaaliya & Ruushka oo kawada hadlay Amniga iyo Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Moscow kula kulmay Wasiir ku…

23 hours ago

In ka badan 100 Duullimaad oo maanta ka joogsaday Moscow

In ka badan 100 Duullimaad ayaa maanta ka joogsaday Garoonka Diyaaradaha Moscow ee Dalka Ruushka…

1 day ago

Gadi Eisenkot oo Netanyahu ku eedeeyay in marin habaabinayo Guusha Xisbigiisa uu ka gaaray Doorashadii dhacday

Gadi Eisenkot oo ah musharraxa Mucaaradka ee loolanka Doorashada la galay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamim…

1 day ago