GUDAHA/wararka

Horyaalka Ingiriiska EPL oo caawa lagu furayo, Arsenal vs Coventry City oo 25 sano kaddib kulmaya!

Waxaa caawa si rasmi ah loo baasanayaa horyaalka Ingiriiska heerkiisa koowaad ee EPL (English Premier League) oo lagu daahfurayo kooxda ku guullaysatay fasal ciyaareedkii hore ee Arsenal FC iyo naadiga koobka heerka labaad soo qaadday ee Coventry City.

Labadaan Koox waxa uu kulankaan u yahay mid taariikh gaar ah u ah maadaama is araggooda dhinaca horyaalka uu ugu dambeeyay 3dii February sannadkii 2001 oo maanta laga joogo 25 sano, 6 bil iyo 18 maalin sida ku xusan diiwaanka laga hayo labada naadi.

Coventry City waxa ay heerka koowaad ee Horyaalka Ingiriiska ka dhacday 5tii May 2001 iyada oo tan iyo xiligaas ay ku adkayd in ay usoo dalacdo heerkaan ay caawa daahfurkiisa ciyaarayso kulankeeda ugu horreeya ee waayaha EPL.

Kahor inta aysan u dhicin heerkaas labaad waxa ay Coventry City heerka koowaad joogtay 34 sano, iyada oo markaan la eegayo bandhiggeeda u suuragalin kara in aysan sannad ciyaareedka 2026-27 ay ku adkaysato sii joogtista heerkaan.

Arsenal ayaa khibrad u eh Horyaalka Ingiriiska heerkiisa koowaad, waa naadiga ugu waqtiga dheer ee sannad weliba heerkaan kasoo muuqda, 14 jeer ayay qaadday horyaalkaan iyada oo sannadkii tagay 2025/26 ay hanatay koobka 22 sano kaddib.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Mareykanka

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto  tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…

12 mins ago

Maxay tahay saanada ciidan ee uu waday Markabka MV Lutuf ee ay afduubteen Burcadbadeeda?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…

43 mins ago

Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?

Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…

6 hours ago

Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…

7 hours ago

Go’aannada Maxkamadda Sare ee murunnada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Saamayntii ka dhalatay (1963-2026)

Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…

7 hours ago

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…

8 hours ago