GUDAHA/wararka

Baraf Xooggan oo Dowladda Maraykanka ku qasbay in ay hakiso in ka badan 10 kun oo duulimaad & Xaaladda oo adag

Baraf Xooggan oo ku da’ay Dalka Maraykanka ayaa dhaliyay Xaalado adag sida Korontada oo meelaha qaar la waayay, isu socodka Dadka iyo Gaadiidka oo joogsaday, Ganacsiga oo istaagay & In ka badan 10 kun oo Duullimaad oo la joojiyay.

Hay’adda Cimillada Qaranka ee Maraykanka (NWS) ayaa dadka ugu baaqday in ay kaydsadaan Cuntada ay haystaan maadaama xaaladdu ay tahay mid adag, waxaa heegan la geliyay kooxaha loogu talagalay in ay ka jawaabaan cabasho weliba oo dhankaas ka imaata.

Gobollada ugu daran ee Barafka uu saameeyay waxaa kamid ah Tennessee, Texas, Mississippi, Kentucky iyo Georgia, waxa uu heer kulku uu gaaray -50°F (-45°C) halka meelaha qaar uu kasii hoosayn karo sida warbixinnadu ay muujinayaan.

Mas’uuliyiinta Federaalka & Maamullada Gobollada dhibaatooyinka ka dhashay Barafka ka jiraan ayaa dadka u muujiyay garab istaag iyo dhiirragelin, waxa ay ugu baaqeen in laga fogaado inay dadkaas bannaanka usoo baxaan kuna dul socdaan barafkaas.

Dhowaan Dalal Yurub ah sida Faransiiska ayaa sidaan oo kale loo joojiyay duullimaadka Diyaaradaha sababo la xiriira Baraf ku hooray oo saamayn taban ku reebay, waxaa laga cabsi qabaa in uu gaari karo Dalal kale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago