Baarlamaanka Puntland oo laalay mooshin ka dhan ahaa DPWorld

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta diiday mooshin ka dhan ahaa sharikadda DPWorld ee maamusha Dekadda Magaalada Boosaaso.

Mooshinkan oo ay bartamihii bishan Baarlamaanka horgeeyeen Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ayaa waxaa ay DPWorld ku eedeeyeen in aysan waxba ka qaban dekadda Boosaaso oo ay la wareegtay sanadkii 2016kii.

Kulanka Xildhibaannada Maanta oo ay xaadireen 33 Xildhibaan oo ka mid ah 66ka Xildhibaan ee Baarlamaanka ayaa waxaa mooshinka diiday 23 ka mid ah halka 10 Xildhibaan ay oggolaadeen in Mooshinka sii socdo.

Afhayeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa DPWorld sidaas lagu laalay islamarkaana uusan jirin mooshin ka dhan ah sharikadda Imaaraadka.

Baarlamaanka Puntland ayey shaqadiisa ku egtahay 31ka September 2018,waxaana kaddib la gelayaa ololaha doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Puntland oo la kala qabanayo Bilaha December iyo January.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

8 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

9 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

10 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

13 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

14 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

14 hours ago