GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka mamnuuco deegaannada maamulkaas

Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Khaadka oo ay ku sheegeen in uu dhibaato wayn ku yahay amniga, dhaqaalaha & waxqabadka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in ku dhowaad nus Bilyan Doolllar in guud ahaan Soomaaliya ay uga baxdo Khaadka, Puntland ayay si gaar ah u tilmaameen in uu dhibaato xooggan oo dhaqaale burburis ah ku hayo sida ay bayaankooda ku caddeeyeen.

“Khaadka Dhibaato wayn ayuu ku hayaa Bulshadeenna, Tahriibka ma joogsanayo ilaa inta wax laga qabanayo dhibaatooyinka dhaqaalaha oo khaadka uu qayb ka yahay, mas’uuliyad ayaa ka baarlamaan ahaan naga saaran, dalalka horumaray waa mamnuuc” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac ( Kuluc).

Xildhibaanku waxa uu tusaale u soo qaatay Dalal kala duwan sida Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwo kale oo dalkooda ka mamnuucay Khaadka si loo xakameeyo duruufaha dhinaca dhaqaalaha ah ee soo wajihi kara.

“Maraykanka 25 sano kahor ayuu mamnuucay, Ingiriiska, Dalal kale oo Yurub iyo kuwo kale oo Carabta ah lagama cunno, halka dal ee carbeed ee laga cuno waa Yemen oo isna burbursan, dhaqaalaha ugu badan ee dadka maalayacniga uga baxa Khaadka ayaa kamid ah, waxa uu dhibaato ku yahay Dhaqaalaheenna, Caafimaadkeenna & aqlaaqdeenna” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Kuluc.

Doodo la xiriira qorshaha lagu joojinayo khaadka ayaa ka billowday deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaa ku kala aragti duwan go’aanka laga qaadan karo dhinacyada labada daraf ka kala jooga arrintaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago