WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Askar ku dhimatay qarax miino oo lagula eegtay duleedka Muqdisho.

Uga yaraan labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Amaanka ayaa lagu dilay qarax duhurnimadii maanta lagula eegtay deegaalka Ceelasha biyaha ee duleedka Mgaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha waxaa ay sheegeen in lala eegtay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay fureen rasaas xooggan taas oo aan la sheegin in ay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka Shacbaka ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan Kuwa amaanka ayaa gaaray goobta Ciidanka Qaraxa lagula eegtay waxa ayna durba goobta ka bilaabeen Howlgalo amaanka lagu Xaqiijinayo.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,kuwaas oo waxyeelo kasoo gaarto.

28 Decembe 2019 maalin Sabti ah ayay aheed markii ay Al shabaab qarax Xooggan Injineero Turki ah kula eegteen Isgoyska Mashquulka badan ee EX-Controol Afgooye,halkaas oo ay ku dhinteen Injineero Turki ah,Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka iyo Tobanaan shacab ah oo ay arday u badnaa.

News Editor

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

20 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago