Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen ciidamada Difaaca Kenya, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay geerida saddex askari oo ka tirsana ciidamda difaaca Kenya, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerarka qaraxa.
Ciidamada ayaa howlgallo ka wada y inta u dhaxeysa deegaannada Sakuri iyo Kiunga ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay miinada kula kacday.
War kasoo baxay Ciidanka Difaaca Kenya ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dhaawacay toddobo askari oo kale, kuwaas oo la geeyay isbitaal ku yaalla deegaanka Kiunga si ay u helaan daryeel caafimaad.
Ciidanka Difaaca Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen amniga wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa deegaankaas si looga hortago dhaqdhaqaaqa kooxihii weerarka ka dambeeyay.
Ciidanka Difaaca Kenya waxay intaa ku dareen inay sii xoojinayaan howlgalka ka socda keynta Boni oo ah xuduud ay si joogto ah uga gudbaan xubnaha AS ee ka imaanay xuduudka Soomaaliya.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…