Aqalka sare oo Puntland ku taageeray muranka dhanka Imtixaanka mideysa ee Shahaadiga.

Ku xigeenka koowaad ee Afhayeenka Golaha Senate-ka  ayaa ka fal­celiyay muranka dhanka Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga ee u dhaxeeya wasaarada waxbarashada heer federaal iyo Puntland.

Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)  ayaa sheegay in Dastuurka qabyada ee wadanka u ogolaanayo Puntland iyo maamulada kale in ay si madax banaan u maamushaan arrimaha waxbarashada, maadaama dalka uusan lahayn Manhaj Waxbarasho oo mideysan.

” Aniga oo tixraacaya waajibka dastuuriga ee Aqalka Sare sida ku cad Qod. 71 ee Dastuurka Federaalka & waajibkeyga xilgudasho sida waafaqsan Qod. 61aad Faqradiisa 1,3 waxaan cadeynayaa in farriinta halkan ku lifaaqan ee wasiir Cabdulahi Godax ay ka soo horjeedo Dastuurkeena Qod. 54″ ayuu yiri Senatorka oo qoraal soo dhigay Twitterkisa.

Waxa uu hadalkiisa intaasi sii raaciyay ” Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin”

Mr Bukhaari ayaa geesta kale uga digay xukuumada federaalka ah in ay ka fogaato “siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka.”

” Hadaba, arrinta tacliinta dalka waxa ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada amaba uu wadaxaajoodku ka furan yahay sida ku cad Qod. 52aad ee Dastuurka ee wasiirka waxbarashadu go’aan kuma laha maareynta waxbarashada #Puntland, Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka” ayuu hadlakiisa ku soo xiray Abshir Bukhaari..

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago