Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in baaritaan xooggan oo dhexdhexaad ah ay ku sameysay duqeynta Mareykanka Dalal Soomaaliya ay kamid tahay in ay hayaan caddeyn lagu kalsoon yahay oo muujinaya in duqeymaha sii kordhaya ee Soomaaliya ay dileen dad badan oo rayid ah.
Warbixinta Amnesty International ayaa cinwaan looga dhigay “Dagaalka Qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya”.
Waxa ay Hay’addu sheegtay in ay heyso Diiwaanka 14 qof oo rayid ah oo ku geeriyooday duqeymaha Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya 8 kalena ay ku dhaawacmeen shan duqeyn oo ka mid ah duqeymaha boqolka ka badan ee Soomaaliya ka dhacay labadii sano ee la soo dhaafay.
Shantaan duqeyn waxaa fuliyay diyaarada bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan Reaper iyo kuwa dagaalka, waxaana ay ka dhaceen Gobolka Shabeellaha.
Hay’adda ayaa intaa ku dartay Weerarada in ay u muuqdaan kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ayba noqon karaan dembiyo dagaal.
Amnesty ayaa warbixinteeda lagu daray in Markii ay Mareykanka ay u bandhigeen Caddeeymaha ay heyso uu Taliska Maraykanka Afrika ee (AFRICOM) uu inkiray ama dafiray in ay waxyeelo gaarsiiyeen dad shacab ah inta ay ku guda jiraan howlagalooda Soomaaliya.
“Tirada dhimashada dadka rayidka ah ee aan ogaanay in ay sababeen weerarro fara kutiris ah ayaa muujinaysa in sirta ku xeeran dowrka Maraykanka ee dagaalka Soomaaliya ay dhab ahaantii tahay boor isku qarin uu kaga gabanayo isla xisaabtan,” ayuu yiri Brian Castner oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan Hubka iyo Hawlgallada Milateri.
“Waxyaabaha aan ogaanay ayaa si toos ah u khilaafsan sheegashada milateriga Maraykanka ee ah in aanay cid rayid ah ku dilin Soomaaliya, Sheegashadaasi ayaa u muuqata mid khiyaali ah marka aad eegto in Maraykanka uu saddex laab kordhiyay duqeymaha uu dalkaasi ka fuliyo tan iyo 2016, kuwaas oo ka batay wadarta duqeymaha uu ka fuliyo Liibiya iyo Yemen.”
Cilmi-baarayaasha Amnesty International ee warbixintan diyaariyay ayaa u safray Soomaaliya, waxaana ay waraysi la yeesheen in ka badan 150 goobjoogayaal ah, qaraabada dadkii waxyeelloobay, dad ka barakacay dagaalka iyo khubaro ay ka mid yihiin kuwa milateriga Maraykanka, waxaana ay si weyn u darseen caddeymaha ay heleen oo ay ka mid yihiin muuqaallo dayax gacmeedka lagu qaaday, haraadiga rasaasta iyo sawirro laga qaaday goobaha ay duqeymaha ka dhaceen.
Duqeymaha oo kordhay markii uu amray Trump
Tirada duqeymaha Maraykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa aad sare ugu kacday kadib 30-kii Maarso 2017, markaas oo uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo u aqoonsaday qaybo ka tirsan Koofurta Soomaaliya goob colaad ka taagan tahay.
Ciidamada Maraykanka ayaa 34 duqeyn ka fuliyay Soomaaliya sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017, tiradaasi oo ka badan guud ahaan duqeymaha uu ka geystay Soomaaliya shantii sano ee u dhexeysay 2012 ilaa 2016
Weerarrada ayaa sii kordhay 2018 waxaana ay gaareen 47 duqeyn, halka labadii bilood ee sanadkan 2019 ugu horreeyay ay dhaceen 24 duqeyn.
Warbixinta Amnesty International ayaa intaa lagu daray in ay la kulmeen intii ay ku howlanaayeen baaristooda Sarreeye Guuto oo hawlgab ka noqday ciidamada Maraykanka, waxaa yaraaday culayska ay milateriga Maraykanka ku xaqiijinayeen in dadka rayidka ah aanay ku dhiman duqeymaha cirka.
Waxaa kale uu walaac uu ka muujiyay jananka in uu rumaysan yahay in amarka madaxweynaha uu ballaariyay noocyada dadka lagu bartilmaameedsan karo duqeymaha oo uu ku daray dhammaan ragga qaangaarka ah ee ku nool deegaannada laga taageersan yahay Al-Shabaab isla markaana loo arko in ay u dhaw yihiin dagaalyahannada. Awoodda beegsi ee noocaasi ah ayaa meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waxaana ay horseedi kartaa in si sharci darro ah lagu laayo dadka rayidka ah.
Tuusaale ahaan, duqeyn ka dhacday tuuladda Faarax Wacays ayaa AFRICOM waxa ay ku sheegtay in “dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay ay ahaayeen xubnaha ama dad taabacsan Al-Shabaab,” halka Amnesty International ay diiwaangelisay in laba nin oo rayid ah ay halkaa ku dhinteen, shan dumar iyo carruur ahna ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa jiray khasaaro soo gaaray Al-Shabaab.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…