WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

AMISOM oo qalabka cuntada lagu keydiyo ku wareejisay Wasaarada Gaashaandhiga.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira ayaa wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Faderaalka Soomaaliya ku wareejiyay qalabka lagu keydiyo cuntada oo loogu talagalay ciidanka.

Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay Amisom deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay Amisom taageerada joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan sida uu sheegay.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in Amisom ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

49 seconds ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

6 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago