GUDAHA/wararka

Maxey tahay sababta uu Xildhibaan Rashiid Amiin maanta u jirdilay Xildhibaanad Faadumo Geeddi?

Xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta waxaa feeray Xildhibaan Rashiid Amiin oo ay ka soo wada jeedaan Magaalada Wajeer.

Xildhibaanadda ayaa sawirro laga qaaday waxaa ay muujinayaan dhiig ka baxaya afkeeda, iyada oo ka hadleysay XIldhibaanka feeray ayaa waxaa ay tiri: “ wuxuu igu tilmaamay Istubid, iyo micno la’aan, waa uu I garaacay, waan naxay, waan aamini waayay, wuu igu soo laabtay oo haddana wuu I garaacay”.

Waxa sidaas u galay waa Xildhibaan Rashiid Amiin oo ah Xildhibaanka Bariga Wajeer, markii arrintan wax laga weydiiyay ma qiranin mana dafirin.

Xildhibaannada iyo waardiyayaashii kale ee ku sugnaa goobta Gawaarida la dhigto ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Rashiid Amiin uu ka careysnaa sababta Faadumo oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda aysan bulshada uu matalo ee Bariga Wajeer miisaaniyad u siinin markii ay booqaneysay maaddaama ay siisay gobollada kale.

Faadumo ayaa u sheegtay Wargeyska The Star in Xildhibaanka ay si wanaagsan isku salaameen markii hore, markii uu su’aasha la xiriirta dhaqaalaha degaankiisa weydiiyayna ugu jawaabtay, “adiga oo aan marti kuu ahayn meesha ma aadan joogin, dadkaagiina isuma aadan keenin si ay u soo bandhigaan baahidooda”.

Intaas kaddib Rashiid ayaa ka carooday hadalkaas caay iyo feerna kala daalay Xildhibaannad Faadumo Geeddi oo ah Haweeeneyda Baarlaamka ku matasha Haweenka Wajeer.

Wanga, oo ah qof la socday ayaa sheegay in labada Xildhibaan ay af Soomaali ku wadahadlayeen isagana uusan waxbadan ka fahmeyn,”wax yar kaddib waxaan arkay Rashiid oo Faadumo ka feeraya Xabadka, iyada wey ooyeeysay, dhiigna waa ka socday” ayuu yiri.

Waxaa la geeyay Isbitaalka Karen Hospital, halkaas oo gar gaar deg deg ah loogu sameeyay kaddibna waxaa ay iska xaadirisay saldhigga Booliska halkaas oo looga qoray O-B-ga.

Xildhibaanad Fadumo oo saldhigga ka qoraneysa dacwadda ka dhanka ah Xildhibaan Amiin.

Wargeyska The Star ayaa la xiriiray Rashiid Amiin,waxaana uu ku soo gaabsaday “waa xan, wax kastana waxaan uga jawaabayaa Booliska”.

Mustaqbal Radio.

 Wajeer.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

19 hours ago