AMISOM oo kulan baroordiiq ah u qabatay Christine Alalo

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gaba gabeeyay saddex maalmood oo baroor diiq aheyd oo calanka AMISOM hoos loo dhigay.

Kulan tacsi ahaa ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho,waxaana ka qeybgalay madaxda kala duwan ee Howlgalka AMISOM,Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan xerada Xalane iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa ahaa duco loo sameeyay Christine Alalo, oo ahayd Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM oo ka mid noqotay dadkii 10kii Bishan ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Dalka Itoobiya.

Francisco Caetano Madeira, oo ah madaxa AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in Christine Alalo, ay qeyb weyn ka qaadatay in meel la isugu keeno Booliska Soomaaliya tababar fiicanna ay helaan.

Waxaa uu sheegay in markii ugu dambeysay ee ay wadahadleen ay ka hadleen dar dar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, tababarka Booliska Soomaaliya iyo nabadeynta Soomaaliya.

Fulgencio Garrido Ruiz, oo ah Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Carlo Campanile, oo ah Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya,Qin Jinn, oo ah Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Sooomaaliya ,  Tigabu Yilma Wondimhunegn,oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM  iyo Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa qorsheynta howlgallada AMISOM  Nakibus Lakara, ayaa ka qeybgalay kulanka Baroordiiqda ah.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago