Dhaq Dhaqaaqa Al-shabab ayaa sheegay in uu la wareegay degaanka Dhanaane oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Degaankan oo isku xira Waddada Xeebta marta ee Marka iyo Muqdisho ayaa waxaa isaga baxay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanayay mushaar la’aan waxaana si dagaalla’aan ah ku qabsaday Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mushaarka Ciidamada dowladda la bixiyay labadii sano ee la soo dhaafay hayeeshee labadii bilood ee ugu dambeysay aan la bixin.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullahi Colaad Rooble ayaa sheegay in labada bilood ee aan la bixin mushaarka Askarta, ay dowladda ku howllaneyd tirakoob rasmi ah oo lagu sameynayo Ciidamada dowladda Federaalka ah.
AMISOM ayaa lagu wadaa in ay dalka isaga baxdo sanadka 2021ka,waxaana Dowladda Federaalka ah saaran culeys ah in ay diyaariso ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa amniga dalka.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…