War ka soo baxay Xarakada Al-shabab ayaa lagu sheegay in maanta ay ciidan ka tirsan AL-shabab weerar ku qaadeen Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maray duleedka degaanka Jaziira.
Al-shabab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen shan ka mid ah Ciidamada dowladda halkaas oo ay sheegeen in meydkooda looga tagay.
Sheegashada Al-shabab waxaa ay ku soo aadeysaa iyada oo Taliyaha Milatariga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi Idha-qarshe uu maanta booqasho ku tagay degaanka Geed Timir oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Taliyaha ayaa booqday xero cusub oo ay ciidanka ka sameysteen degaankaas,waxaana uu kulan kula qaatay saraakiisha hoggaamineysa.
Waxa uu dhawaan sidoo kale booqday degaannada Ciidamad Dowladda ay kala wareegeen AL-shabab ee isku xir Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo Magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa meelo ka mid Gobollada Hiiraan,Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ka billowday howlgallo ka dhan ah AL-shabab,waxaan Al-shabab dhinacooda ay sameynayaan weerarro u badan jid gal.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…