WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Akhriso: Sooyaalka Wareegyadii La Gaarey Doorashada Madxweyneyaashii Soomaaliya (1960-2012)

Maanta waxaa la dooranayaa Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya, xusuusta ay Soomaalida doorashooyinkaasi u hayaan ma aha mid fudud, wejiyo badan oo doorasho ayaa dhacdey sida murashax keligiisa isla tarmayey iyo maanta oo 22 murashax taagan yihiin.

Hadana Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Doorashada Madaxweyneyaasha Soomaaliya:

1960-kii, Markii xuriyadda la qaatey, isla markaana la isku darey labadii baarlamaan ee waqooyi iyo koonfur, waxaa sacab lagu doortey Aden Cabdulle Cusmaan, isagoo xilka hayey ilaa afti loo qaado dastuurka.

1961: Markii Aftida la qaadey kadib, Waxaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tartamey Aden Cabdulle Cusmaan Iyo Cali jimcaale , 3 wareeg ayaa la isla tagey, 1 cod ayaa waxaa markii dambe ku adkaadey Aden Cabdulle Cusmaan

1967: Waxaa doorasho illaa sadex(3) wareeg la isla gaarey ku adkaadey Madaxweyne  Cabdirashid Cali Sharma’arke, waa doorasho Soomaaliya iyo Afrika taariikhi u ah, waayo murashaxii laga adkaadey ayaa si nabad ah ku wareejiyay xilka, beeraleyna iska noqdey.

1969: Waxaa dalka xoog ku qabsadey ciidanka xoogga dalka uu horkacayey taliyahooda Maxamed Siyaad Barre, ilaa 21 sano uu talada hayey, waxaa dhacdey hal doorasho madaxweynimo taas oo dhacdey December 1986-dii, Jaalle Siyaad isagaa keligii ayaa murashax ahaa, sanduuqana waxaa uu ahaa Haa iyo Maya, dabcan isaga ayaa ku guuleystay.

1991-dii, Shir ka dhacey dalka Djabuti, Cali Mahdi Maxamed ayaa helay codadka dhamaan dadkii meesha joogey, labo sano oo KMG ayaa loo doortey laakin ma calfan sababo la xiriira kala jab USC-da ah iyo dagaallo dhex maray isaga iyo General Maxamed Faarax Ceydiid.

Doorashooyinka murashaxiinta badan waxaa  ay ka soo bilaabatey shirkii tuulada Carte ee dalka Djabuti, wixii maalintaasi ka dambeeyey doorasho walbo oo dhacda, waxaa isa soo sharaxayey murashaxiin intooda badan ujeedada ka aheyd “Dadka Ha La iiga Barto”.

26 August 2000: Doorasho Madaxweyne, Waxaa doortay Baarlamaanka TNG-da

Wareegga Koobaad

Codadka guud ahaan 238
Codadka halaabay 3
Codadka saxda noqday 235

Wareegga Labaad:

Codadka guud ahaan 238
Codadka Halaabay 2
Codadka fiicnaaday 236

Wareegga 3aad:

Codadka guud ahaan 238
Codadka halaabay 1
Codadka fiicnaaday 237

 

Murashax Wareegga  1aad Wareegga 2aad  Wareegga  3aad
Cabdulkassim Salat Xassan 78 (33.19%) 124 (52.54%) 145 (61.18%)
Cabdullahi Axmed Cadow 83 (35.32%) 110 (46.61%) 92 (38.82%)
Ali Khalif Galaydh 35 (14.89%) 2 (0.85%)
Cali Mahdi 12 (5.11%)
12 Murashax oo kale 27 (11.49%)

Inka uu Cali Mahdi u soo baxay wareegga 2aad, Hadana waa ka tanaasulay.   

10 October 2004: Doorashada Madaxtinnimada: Waxaa Doortay Baarlamaanka TFG

Wareegga 1aad:

Dhamaan Codad 275
Codadka Hallaabay 2
Codadka Fiicnaaday 273

Wareegga 2aad:

Dhamaan Codadka 275
Codadka Hallaabay 7
Codadka fiicnaaday 268

Wareegga 3aad:

Dhamaan Codadka 275
Codadka Hallaabay 7
Codadka fiicnaaday 268

 

Murashax Wareegga 1aad Wareegga 2aad Waeegga 3aad
Cabdullahi Yusuf Axmed 80 (29.30%) 147 (54.85%) 189 (70.52%)
Cabdullahi Axmed Cadow 35 (12.82%) 83 (30.97%) 79 (29.48%)
Mohammed Qanyare Afrah 33 (12.09%) 38 (14.58%)
Cabdulrahman Jamma Barre 18 (6.59%)
Cabdulkassim Salat Xassan 16 (5.86%)
Mohammed Xassan Cadow 14 (5.13%)
Muse Sudi Yalaxow 13 (4.76%)
Osman Jamac Cali “Kalun” 10 (3.66%)
18 murashax oo kale 54 (19.78%)

 

*Cabdiweli Mohamed Cali iyo Cabdiqadir Cosoble, waxaa ay u soo gudbeen wareegga 2aad balse waa ay tanaasuleen, mar haddii 2 murashax isku soo harey, codeynta wareegga 3aad looma baahan.

Doorashada maanta lama oga inta wareeg ee la geli doono, laakin Natiijada ka soo baxda, waa Soyaal kale oo qormaya.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Email: Gurbiyeshow@gmail.com

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago