Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka oo la xiray

Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay xatooyada hanti dowladeed.

Warar aan ka helnay hoggaanka dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur,  oo ah Agaaasimiha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun) oo Doollar,taas oo ka mid ah lacagaha Wasaaradda Gargaarka.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Guriga agaasimaha waxaa ay ka xireen isaga waxaana ay sidoo kale halkaas ka qaateen Dukumintiyo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay dhowr jeer sheegtay in ay la dagaallameyso musuq maasuqa,iyada oo sarkaalka la xiray uu yahay qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda oo musuq lagu eedeeyo.

Hay’adaha wax ka qora musuqa ayaa Soomaaliya mar waliba ka geliya kaalinta ugu hooseysa.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

8 hours ago