GUDAHA/wararka

Abiy Ahmed oo Itoobiya ka noqonaya Madaxweyne Awood buuxda leh

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa damacsan in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowladda Federaalka Itoobiya oo awood buuxda leh lana dooran karo muddo labo jeer ah oo min 6 sano ah.

Tallaabadaan waxa ay qayb ka tahay qorshaha wax ka baddelka Dastuurka Itoobiya, waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha oo ka awood badnaa Madaxweynaha Dalkaas.

Itoobiya ayaa si ay u xakamayso doodaha ka imaan kara dhinacyada kasoo horjeeda dib u eegista Dastuurka waxa ay qaadday tallaabooyin cusub sida in Ismaamullada laga mamnuuco awooddii u ogolaanaysay inay ka go’aan Dalkaas.

Sheekadaan ayaa lagu xiray hadal horay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka dhex sheegay Xisbigiisa Barwaaqo July 2026 oo ahaa in la xadido awoodda muddada xilhaynta Itoobiya oo labo mar oo keliya qofka fursad loo siiyo.

Ilo kale oo sii xoojiyay arrintaan ayaa soo daliilsaday in 13kii Bishaan ay ku taliyeen qaar kamid ah ka qaybgalayaasha Wadahadalka Qaranka Itoobiya in nidaamka Baarlamaaniga ah lagu baddelo mid Madaxweyne sida dalal badan oo Caalamka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maraykanka oo xayiraadda Fiisaha ka qaaday Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…

10 mins ago

Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka & Canada oo meel adag gaaray

Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…

43 mins ago

Qaramada Midoobay oo Gargaar degdeg ah u dalabtay Carruur ku dhibaataysan Soomaaliya

Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed…

56 mins ago

Markab ay isku hayaan Mareykanka iyo Iraan ayaa lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la…

12 hours ago

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda Binu aadanimo ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee…

15 hours ago

Imaaradka Carabta oo Muwadin Soomaaliyeed ku wareejiyay dalka Netherlands

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali heysta dhalashada Dutch-ka, kaas…

17 hours ago