GUDAHA/wararka

Abaarta ka jirta Soomaaliya oo gaartay heer Xoolaha nool ay cunaan kuwa dhintay!

Soomaaliya waxaa qaybo badan oo kamid ah Gobollada ka jirta Abaar saamayn taban ku reebtay Dadka iyo Duunyada, deegaanno dhowr ah waxaa isaga barakacay qoysaskii degenaa si ay raadsadaan meelo ay ku heli karaan Biyo & Cunno.

Dadka qaar waxa ay deegaannadooda isaga tageen iyaga oo ka gacmo maran xoolihii ay dhaqanayeen oo haraad iyo doog la’aan dartood tarab-tarab u dhintay, meelaha qaarkood waxaa ka dhacday in xoolaha kuwooda nool ay cunaan kuwa dhintay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle oo tagay deegaanno katirsan dhulka Abaartu sida darran u saamaysay ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay xoolo cunaya jirka xoolihii dhintay.

Waxa uu ku baaqay in xaaladdaan loo istaago sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaan maadaama ay halis ku tahay deegaanka, qof weliba oo awooda in uu gacan ka gaysta uuna caawiyo Dadkaan ayaa laga dalbaday in uu kaalintiisa ka qaato.

“Waxa aan indhahayna ku aragnay Xoolo dhintay oo Xoolo kale cunaayo sabab la xiriirta Abaarta Dalka ka jirta Darteed, waxa aan marmay deegaanno kala duwan innaga oo aan qiimayn ku samaynayay, meel weliba oo aan tagno waxa naloo sheegay waa Biyaha, Baahida jirtana aad ayay u badan tahay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle

Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Dalka waxaa ka jira abaaro saamayn taban ku reebay qoysas u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay kuwaas oo haatan gacmo maran, waxa ay dalbadeen in la caawiyo, waxaa laga cabsi qabaa xaalado macluul in ay isu baddeli karto abaarta deegaannada qaar waa haddii aan gurmad degdeg ah dadkaas loo helin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago