30 Soomaali ah oo lagu xiray Waqooyiga Gariigga.

Booliska Dalka Gariigga ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen kuwa dhawaad 60 qof oo Muhaajiriin ah,kuwaasd oo gacanta lagu dhigay iyaga oo dalkaas sharci darro ku galay.

Booliska ayaa Gaariga ku qabtay magaalada Thessaloniki ee dalka Gariigga, Gaariga ayaa watay ruqsad dalka Bulgaria ah iyo Taargo la xaday oo dalka Bulgaria ka diiwaangashan taas oo la raadinayay.

Kala bar dadkaas waxaa ay u dhasheen Soomaaliya,halka inta kale ay ka soo kala jeedaan dalalka kala ah; Afghanistan, Bangladesh, Egypt, Eritrea, Iraq, Palestine iyo  Sudan.

Tahriibayaasha ayaa Booliska u sheegay in qofkiiba $1,690 doollar ay ka qaateen kuwa dadka Tahriibiya oo dhinaca Turkiga doon uga gudbiyay Gariigga si ay Yurub inteeda kale u sii galaan.

Waxaa gacanta lagu dhigay Darawalkii Gaariga waday Tahriibayaasha kaas oo u dhashay Dalka Bulgaria,waxaana uu hadda ku jiraa gacanta Booliska.

 

 

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago