Duqeynta Israel iyo Xamaas.
Ururka Xamaar iyo Maamulka Israel ayaa mar kale saaka is weydaarsaday duqeyn dhinaca cirka ah,waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Dhimashada dagaalka saaka oo Isniin ah dhexmaray labada dhinac ayaa lagu sheegay 5 Qof oo ay saddex Falastiiniyiin yihiin halka labada kale ay Israel u dhasheen.
Ururka Xamaas ayaa saaka aroortii hore saddex Boqol oo Gantaal ku riday Koofurta Israel mid ka mid ah Gantaalladaas ayaa qabsaday Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Ciidanka Israel,halkaas waxaa Israel sida ay sheegtay ku dhintay hal Askari mid kalena waa uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale Qof shacab Israeli ah ayaa ku dhintay toban kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii Guri ay ka degganaayeen magaalada Ashkelon oo Madfac ku dhacay.
Israel waxaa ay sheegtay in inta badan gantaallada dhinaca Falastiin laga soo tuuray la qabtay kuwo kalena ay qarxeen.
Dhinaca Falastiiniinta waxaa ay sheegeen in 3 Qof ay geeriyoodeen sagaal kalena ay dhaawacmeen kaddib markii ay Diyaaradaha iyo Taangiyada Israel duqeeyeen Magaalada Gaza gaar ahaan 70 Xarumood oo ay Israel ku sheegtay saldhigyada Xamaas.
Xarumaha la duqeeyay waxaa ka mid ah Xarunta Taliska Sirdoonka Xamaas iyo Telefishinka Xamaas ee Al Aqsa,halkaas oo khasaaraha ka dhashay aan la shaacin.
Sarkaal ka tirsan Milatariga Israel oo lagu magacaabo Kamil Abu Rukun, ayaa sheegay in Xamaas ay dhaaftay Qadka cas, Israelna ay bixin doonto jawaab adag.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa muddo sanado ah ee Israel ay kala kulanto Xamaas, waxaana 24kii saac ee la soo dhaafay la dilay 3 Israeliyiin ah halka la dhaawacay 17 kale.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…