Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federal Muuse Geelle Yusuf.
Kullanka Rooble & Geelle ayaa looga hadlay hirgalinta jadwalka shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannada ee guddigu shaaciyay iyo dhammeystirka doorashada xildhibannada harsan. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Kullanka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble uu la yeeshay Guddoomiye Geelle ayaa ku soo aadaya xilli uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal uu shaaciyay Jadwalka dhameystirka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in 14 April 2022 uu qabanayo xafladda dhaarinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal, asiga oo kaa shaanaaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Sida lagu yiri xaanshiyaha ka soo baxday Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.
Doorashada Golaha Shacabka BFS ayaa dib ugu dhacday waqtigii loo asteeyay in lagu soo idleeyo doorashada oo ahaa 15 Maarso 2022, wallow ay doorashu hadda ku harsantahay labo maamul Gobaleed oo kala ah Hirshabeelle oo aan dooran 13 kursi & Jubbaland oo weli ku harsan 18 kursi.
No Comments